Mucaaradka Nigeria oo ku baaqay in doorashada lagu celiyo

Image
Guddiga doorashadda ayaa ku dhawaaqay in uu coddeynta ku guuleystay Musharaxa xisbiga talada haya APC, Bola Tonibu.

MUQDISHO, Soomaaliya - Seddex xisbi siyaasadeed oo ka qeybgalay doorashooyinkii dhowaanta ka dhacay Nigeria, kuwaas oo kala ah Xisbiga LP, PDP iyo ADC ayaa ku baaqay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo ku eedeeyay xisbiga talada haya ku shubasho.

Musharaxa xisbiga talada haya APC ee lagu magacaabo Mudane Bola Tonibu ayaa guddiga doorashadda uu ku dhawaaqay in uu ku guuleystay coddeyntan sidda aadka ah loogu loolamay.

Xisbiyada ayaa sidoo kale codsanaya in xilka laga eryo guddoomiyaha guddiga doorashada Maxamuud Yakuubo oo ay ku eedeeyeen in uu eex sameeyay, waxayna sheegeen in lagu badelo qof dhexdhexaad ah oo laga keeno bannaanka guddiga doorashada.

Kormeerayaasha joogay doorashadii dhacday maalintii sabtidii ayaa ka cawday gaabis dhanka gaadiidka ah, iyo waliba sida cagajiidka ah ee ay natiijooyinka usoo dhacayaan.

Xisbiga talada haya ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaaday sheegashooyinka mucaaradka, waxayna guddiga doorashada "ugu hambaleeyeen sidda daacadda ah ee waajibaadooda u guteen".

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Obasanjo ayaa warqad furan oo uu u qorey madaxweynaha xilka ka dagaya Buhari ugu sheegay in guddiga doorashada uu lumiyay dhexdhexaadnimadii, natiijadana uu farsameeyay.

Kadib ku dhawaaqida natiijadda doorashadda, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laga baqdin qabo in ay dhacaan rabshado la xiriira muranka doorashada kuwaasoo dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika uu caan ku ahaa sanadihii aynu kasoo gudubney.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM