Muxuu isku casilayaa wakiilka Mareykanka ee Geeska Afrika?

Image
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa diiday inay ka hadasho shaqo ka tagista Feltman.

WASHINGTON, USA — Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa bishan xilka ka tagaya kadib muddo 9 bilood ah oo uu xilkaasi hayay, waxaana xilkaas la wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, sida ay qortay wadaaladda wararka Reuters Arbacadii.

Feltman, oo ah diblomaasi ruug-caddaa ah ayaa xilka la wareegay bishii April, waxana uu si degdeg ah ula kulmay laba xasarood oo waaweyn oo kala ahaa dagaal sokeeye ee ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidamada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay dalka Suudaan bishii Oktoobar.

Warka shaqo ka tagistiisa oo aan horay loo sheegin ayaa soo baxay ka hor inta uusan Khamiista aadin dalka Itoobiya, si uu ula kulmo madaxda sare ee dowladda, waxaana safarkiisu ku saabsan yahay wadahadallo nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.

Feltman, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in "dareenkiisa xilkasnimo" uu siinayo inuu ka fariisto shaqada diblomaasiyadeed, isla markaana uu noqdo howlgab, ka dib in ka badan 25 sano oo uu ahaa diblumaasi Maraykan ah oo ka shaqeeyay Qaramada Midoobay, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa diiday inay ka hadasho shaqo ka tagista Feltman.

Satterfield, oo ah ruug-caddaa ka tirsan Arrimaha Dibadda Maraykanka oo leh in ka badan afartan sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa soo maray jago adag oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, halkaas oo uu isku hayay xiriirka laba geesoodka ahaa ee u dhexeeya labada dal ee xulafada NATO.

Ka hor Ankara, waxa uu ka soo shaqeeyay Saudi Arabia, Lebanon, Tunisia iyo Syria, iyo dalal kale, wuxuuna laba jeer ka soo noqday dublamaasigii ugu sareeyay ee Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe oo uu ku sime ahaa.

VOA

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM