Niger iyo Mali oo ka baxaya heshiis ay la galeen Faransiiska

Image
Heshiisyadan ayaa khuseeya dakhliga shakhsi ahaaneed iyo kuwa shirkadaha, cashuurta dhaxalka iyo waajibaadka diiwaangelinta.

NAIROBI, Kenya - Hogaamiyayaasha milateriga ee Mali iyo Niger ayaa sheegay in labadooduba ay meesha ka saarayaan heshiiskii canshuuraha ee ay la galeen Faransiiska, sidda ay warisay warbaahinta.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Talaadadii, wadamadan dhaca Galbeedka Afrika waxay cuksadeen "dabeecaadaha cadaawadda joogtada ah ee France ee ku wajahan dawladaheena" iyo "dabeecada aan dheeli tirnayn ee heshiisyadan, taas oo keentay khasaare badan oo soo gaarey dakhliga Mali iyo Niger".

"Heshiisyada canshuuraha ee lala galay gumeystihii hore ee Faransiiska ayaa dhammaan doona saddex bilood gudahood," ayay hoggaamiyeyaasha militariga ee waddan kasta ku sheegeen bayaanka.

Saamaynta wax ku oolka ah ama faa'iidada labadan dal ay ka heli doonan qaadashadda go'aankan qaraar ayaa waxaanan si dhakhso ah loogu caddayn war-murtiyeedka.

Mareegga rasmiga ah ee maamulka canshuuraha ee dowladda Faransiiska ayaa sheegaya in Faransiisku uu heshiis la galay Mali, tan iyo 1972, iyo Niger, tan iyo 1965.

Sidda ku cad bogga, ujeeddadu waxay tahay in laga fogaado ['ka takhalusidda' kiiska Niger] canshuur laba jibaaran iyo sameynta xeerar ku saabsan kaalmada labada dhinac ee arrimaha maaliyadda.

Heshiisyadu waxay khuseeyaan cashuurta dakhliga shakhsi ahaaneed iyo kuwa shirkadaha, cashuurta dhaxalka iyo waajibaadka diiwaangelinta, waxaana soo afjarida si weyn u hadal-haya saxaafadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM