Nigeria: Burcad weerar ku dishay in ka badan 200 ruux

Image
Waqooyi-galbeed ee Nigeria waxaa si aad ah kor ugu kacay afduubka baahsan iyo dambiyada kale.

ABUJA, Nigeria - Qiyaastii 200 oo qof ayaa lagu dilay 10,000 oo qofna waa ay ku barakaceen weerarro ay kooxo burcad ah ku qaadeen gobolka woqooyi-galbeed Nigeria ee Zamfara, sida ay ku warantay saxaafadda.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dambeysay ka dib weerarro dhanka cirka ah oo militariga Nigeria ay ku qaadeen meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan burcadda todobaadkii hore.

Afhayeen u hadashay haweenayda lagu magacaabo Sacdiya Cumar Faaruuq, oo ah wasiirka arrimaha bini'aadantinimada, ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo meyd ah la aasay.

Faaruuq ayaa weeraradii usbuucii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Zamfara ku tilmaamay kuwo argagax leh, iyadda oo xustey in dhimashadii ugu dambeysay ee rasmi ah la xaqiijiyey horraantii Sabtida.

Wasiirka ayaa sheegay in dad ka badan 10,000 oo qof ay barokaceen markii "guryahooda ay burcaddu la dhaceen iyadoo tiro kalena la la'yahay". Maamulka gobolka ayaa horay u sheegay in 58 qof lagu dilay weerarada.

Waqooyi-galbeed ee Nigeria waxaa si aad ah kor ugu kacay afduubka baahsan iyo dambiyada kale ee rabshadaha wata tan iyo dabayaaqadii 2020 iyadoo dowladdu ay la daalaa dhacayso ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.

Sannadkii hore, budhcaddu waxay qabsatay cinwaanada warbaahinta caalamka markii weeraro xiriir ah ku qaadeen dugsiyada iyo kulliyadaha halkaas oo ay ka qafaasheen boqollaal arday ah. Intooda badan waa la sii daayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM