Nin 105 sano xarig ah loogu xukumay dilka hablo uu shukaansadey

Image
Musa Musasizi ayaa lagu eedeeyay inuu kufsadey haweenkan kahor inta uusan nafta dhaafin.

KAMPALA, Uganda - Maxkamad ku taalla magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa 105 sano oo xarig ah ku xukuntay nin 25-sano jir ah kaasoo lagu eedeeyay inuu dil geystay.

Musa Musasizi ayaa la xukumay Arbacadii kadib markii uu qirtay dambiga ah inuu dilay saddex dumar ah oo la sheegay inay saaxiibo ahaayeen iyo gabadh saddex bilood jir ah oo ay dhashay mid kamid ah haweenka la dilay.

Waxaa la sheegay in uu xiriir jaceyl la sameeyay haweenkan ka hor inta uusan faraxumeyn oo uusan dilin, kadibna uu gubay meydkooda soona tuuray, sida ay maxkamadu sheegtay.

Garsoore Margaret Mutonyi ayaa sheegtay in xukunka dheer uu ahaa mid lagama maarmaan u ah in la ilaaliyo haweenka da'da yar, oo ay ku jirto Inanta lix jir ah

Sida uu sheegay telefishinka maxaliga ah ee NTV oo ah mid si gaarka ah loo leeyahay, Musasizi ayaa la xiray bishii Maarso 2021 isagoo looga shakiyay inuu dilay shan dumar ah iyo ilmo yar.

Warbixinta ayaa waxa ay intaas ku daraysaa in Musasizi loo maxkamadeeyay isla markaana loo xukumay dilka mid ka mid ah haweenka naftooda uu dhaafiyay bishii Luulyo.

Waqtigaas, qareenkiisa ayaa, sidda ku cad xogta warbaahinta, wuxuu weydiistay garsooraha in loo naxariisto, isagoo sheegay in Musasizi, oo ahaa ilmo darbi-jiif ah, kuna badbaaday korriin adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM