Nin loo xiray in uu isku dayey dilka madaxwayne oo dhintay

Image

Ninka lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu dilo hoggaamiyaha militariga ah ee Mali Assimi Goita, ayaa xabsiga ku geeriyooday, sida ay dowladda sheegtay Axaddii.

Tuhmanahan, oo dowladda aysan shaacin aqoonsigiisa, ayaa waxaa xabsiga la dhigay kadib isku day lagu dili lahaa Goita, oo maalinkii Talaadada ee Ciidda ka dhacay Masjidka weyn ee magaalada caasimadda ee Bamako.

“Intii uu socday baaritaanka… caafimaadkiisa ayaa sii xumaaday,” waxaana la dhigay Isbitaalka, hase yeeshee “nasiib darro waa uu geeriyooday,” ayey dowladda ku tiri bayaan ay soo saartay.

Waxay dowladda intaas ku dartay in si deg deg ah loo amray baaritaan lagu sameeyo meydka, si go’aan looga gaaro sababta dhimashada.

Kadib Salaaddii Ciidda ayaa nin mindi watay wuxuu usoo dhaqaaqay dhanka Goita, hase yeeshee waxaa durba madaxweynaha la orday ciidamada ammaanka.

Ninka weerarka soo qaaday oo watay jiinis iyo shaati cad ayaa isla goobta lagu xiray, waxaana watay sirdoonka Mali. Eedeysanaha ayaan marnaba la horgeyn mas’uuliyiinta caddaaladda.

Dowladda ayaa sheegtay in geeridiisa aysan joojin doonin baaritaanka, “gaar ahaan, maadaama caddeymo horudhac ah iyo xog sirdoon ay muujinayaan in dhacdadan aysan aheyn mid uu ku keli ahaa.”

Goita ayaa xilka madaxweynaha waxaa loo dhaariyey bishii June ee sanadkan kadib markii uu hoggaamiyey afgambigii labaad ee waddanka ka dhaca wax ka yar laba sano gudahood.

AFP + VOA

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM