Nin ugaarsiga duurjoogta ku quudiya qoyskiisa oo tabaaleysan

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa xabsiga dhigay nin 33-sano jir ah kaasi oo u gaarsada duur-joogta. Beeraleygaan ayaa durba maxkamad lasoo taagay.

Sammy Mwenda oo qirtay dambiga lagu soo eedeeyay ayaa shaaciyay in uu ku quudiyo duur-joogta qoyskiisa oo tabaaleysan.

Ninkaan reer miyiga ah ayaa ku nool tuulada Duse, taasi oo hoostagta Garbatulla kana tirsan gobolka Isiolo.

Ciidamada Booliska ayaa soo qabtay Mwenda 8-da bisha April. Balse maxkamada ayaa doodiisa kadib xabsiga kasii deysay.

"Waxaan codsaayaa cafis, maxaa yeelay waxaa ku quudiyaa qoys balaaran oo gaajeysan," ayuu u sheegay maxkamadda.

Doodaasi waxaa ku gacan-seyray dacwad oogayaasha oo tilmaamay in duur-joogta ay tahay mid aanan la tabaan karin, ilaalin mooyee.

Kiiskaan ayaa dib loogu dhigay 24-ka bishaan April, markaasi oo maxkamad ay kasoo saari doonto warbixin labaad oo tafaaftiran.

Sammy Mwenda ayaa waxaa lagu qabtay isaga oo soo qabsaday laba xabo oo Sagaaro ah, kuwaasoo ay kala wareegeen ciidamada amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM