Oday 67-jir ahaa oo isu-dilay deyn lagu lahaa darteeda

Image

NAIROBI, Kenya – Oday reer miyi ahaa kuna noolaa tuulada Chepalungu ee waddanka Kenya isla markaana jiray 67-sano ayaa isu dilay deyn lagu lahaa darteeda, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Ehelada John Koros oo ka soo jeeda tuulada Atebwo kuna  taal Siongiroi ayaa sheegay in uu ku andacooday inuu awoodi kari waayey inuu bixiyo sababo la xiriira dhaqaale xumo baaxad leh oo soo wajahdey noloshiisa.

Qoyska ayaa daaha ka rogay inkastoo uusan shaacin hay'adda bangiga ee uu ka qaatay amaahda, waxay ogaadeen in Koros ay deynta siisay shirkad maxali ah.

Taliyaha booliska ee ismaamulka Chepalungu, Nelson Maasai, ayaa tibaaxay in meydka qofka dhintay loo qaaday isbitaalka Longisa Mortuary. Maasai wuxuu intaas ku daray in koox dambi baaris ah loo diray goobta si ay baaritaano ugu sameeyaan.

Caaqilka degaanka Bingwa, Philip Langat, ayaa wuxuu carabka ku dhuftey in meydka laga helay isagoo ka laadlaadanaya geed galabnimadii Arbacada asbuucii lasoo dhaafay.

"Dhacdadu waxay nagu noqotay lama filaan," ayuu yiri madaxa. "Waa wax aad loola yaabo in oday oo muhiimad weyn u lahaa degaanka uu is-dilo".

Is-dilka John Koros wuxuu qeyb ka ah dhacdooyin lamid ah oo muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey degaanka. Macalin ayaa dhowaan is-dhaafiyey nafsadiisa ka gedaal markii lagu yeeshay deyn uu bixin waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM

Xiisadda Geeska Afrika oo cirka isku shareertay, Midowga Afrika oo war kasoo saaray

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hababka diblomaasiyadeed.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:00AM