ONLF iyo dowladda Itoobiya oo heshiis ku kala saxiixanaya Eritrea

Image

ASMARA, Eritrea - Waxaa lagu wadaa in todobaadkan ay heshiis taariikhi ah ku kala saxiixdaan magaalada Asmara, ee caasimadda dalka Eritrea Jabhadda ONLF iyo dowladda Itoobiya.

Afhayeenka ONLF, Cabdiqaadir Xasan Hirmooge [Caddaani], oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay saxiixa heshiiska nabadda ee Ururkiisa iyo dowladda Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayo colaaddii mudada dheer u dhaxeysay.

Saraakiil sare oo katirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa inay gaareen waqtiyada soo socda magaalada Asmara, oo horey ugu sugnaayeen hogaamiye-yaasha ONLF, halkaasi oo lagu saxiixi doono heshiiska.

Mas'uuliyiin katirsan ONLF ayaa dhawaan gaarey Addis Ababa, kadib markii maamulka cusub ee uu hogaaminayo Abiy Axmed uu liiska argagaxisada ka saarey Ururkan iyo kuwa kale, si loo dhiira-geliyo dib u heshiisnta iyo nabadada dalka Itoobiya.

Hirmooge ayaa qiray in xubno katirsan ONLF la qorsheynayo in xilal loogu magacaabo dowladda Itoobiya iyo maamulka dowlad degaanka Soomaalida, ee uu Madaxweynaha u yahay Mustafa Cumar, waxaana tani soo afjareysa halgankii Jabhaddan.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan soo dhisay Golle wasiiro oo cusub, iyadoo Soomaalida degta dalkaasi u magacaabey xilal muhiim ah, oo uu kamid yahay Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide.

Dowladda Itoobiya ayaa isha ku haysa shidaalka ku jira degaanada aya ONLF dagaallada kawado, halkaasi oo ay Shirkaddo laga leeyahay China ay shidaal baaris kawadeen mudo tobanaan sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM