ONLF oo bogaadisay go'aanka xukuumadda Soomaaliya

Image
Jabhadda ayaa ku tilmaamay talaabada xukuumadda Rooble "mid taariikhi oo qarniyada soo aadan la xasuusan doono".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ONLF oo qoraal soo saartey ayaa bogaadisay go'aanka golaha wasiiradda xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ay ururkaas uga saareen liiska argagixisadda.

ONLF oo qoraal kooban ku daabacdey ciwaanka ay ku leedahay mareegga Twitter-ka ayaa ku tilmaamay talaabada xukuumadda Rooble "mid taariikhi oo qarniyada soo aadan la xasuusan doono".

Sida laga soo xigtey bayaankan, ONLF oo si gaar ah ugu mahadcelisay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo wasiiradda waxay go'aankan u aragtaa "mid lagu saxay cadaaladii la wiiqay".

"Go'aankan wuxuu cashar u yahay kuwa sida ku talagalka ah ugu xadguduba xuquuqda ay dadka leeyihiin," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalkan ku qornaa luuqadda English-ka.

Qaraarka burinta ayaa lagu caddeeyay "in Qalbi-dhax ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin".

"Tan iyo markii uu soo baxay go'aanka burinta, dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaali State way dabaal-dagayaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka jabhadda ONLF.

Si lamid ah, qaraarka ayaa lagu caddeeyay in bari-yeelida ONLG loo cuskadey "in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo".

Qalbi-dhagax ayaa ah xubin sarre oo ka tirsan jabhadda xoreynta ONLF. Sidoo kale, waxaa uu kamid ahaa ciidamadda xoogga Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa dagaalkii lala galay dalka Itoobiya ee sanadkii 1977-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidan Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Kenya iyo xiisad dagaal oo ka dhalatay

Warbixin rasmi ah oo laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Moyale (OB No. 32/22/11/2025) ayaa tilmaamaysa in ciidamada Kenya Police.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 12:44PM

Nigeria: 303 Arday iyo 12 Macallin oo La Afduubay, Warbixin Cusub oo La Soo Saaray

Ardayda la afduubay waxay yihiin wiilal iyo gabdho da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 18 sano, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 06:25AM