Rabshadaha Kenya: Khasaaraha, dadaalada iyo mowqifyada adag

Image
Lix wariye ayaa ku dhaawacantay, waxaana la burburiyay qalabkii ay wateen intii ay socdeen mudaaharaadyada.

NAIROBI, Kenya - Askari booliis ah, oo lagu dhaawacay dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Kenya oo dhowrkii maalmood lasoo dhaafay ka dhacay magaalada caasimada ah caasimadda iyo galbeedka Kenya, ayaa dhintay.

Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya, Japheth Koome oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Corp Bernard Oduor uu geeryoodey iyadoo lagu daweynayo qaybta daryeelka degdegga ah.

Koome waxa uu sheegay in in ka badan 20 askari oo booliis ah ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ka dib markii ay iska caabiyeen dibadbaxayaasha magaalada harada ku taal ee Kisumu.

War qoraal ah oo uu soo saaray taliyaha booliska ayuu ku cambaareeyay rabshadihii iyo burburkii ka dhashay mudaaharaadyadii mucaaradka ay ka wadeen caasimadda Nairobi iyo qeybo kale oo dalka ah.

Lix wariye ayaa ku dhaawacantay, waxaana la burburiyay qalabkii ay wateen intii ay socdeen mudaaharaadyada oo isku bedelay rabshado ka dhashay isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaasha iyo booliiska.

Madaxweyne William Ruto oo warbaahinta dhowr mar la hadlay ayaa dhaleeceeyay dibadbaxayaasha, isagoo ku nuux-nuux-sadey in dastuurka uusan u ogolayn inay rabshado sameeyaan.

Ruto waxa uu caddeeyay in mudaaharaadyada labadii toddobaadba mar la qabto ay saameyn taban ku yeelanayaan dhaqaalaha oo ay carqaladeynayaan nolosha dadka.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ku eedeeyay booliska inay arxan darro u geysteen taageerayaashiisa, wuxuuna ka digay wax uu ku tilmaamay "hooyada bannaanbaxyada oo dhan" Isniinta soo socota.

Odinga oo ka gadoodsan in looga guuleystay doorashaddii madaxtinimada ee dhacdey bishii August ayaa wuxuu carabka ku dhuftey in naftiisa ay halis ku jirto, isagoo xusay in la isku dayay in la dilo.

Dhinaca kale, waxaa jira daaha gadaashiisa dadaalo ay wadeen hogaamiyaasha diinta iyo ergayga Mareykanka oo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo iyadoo labada dhinacba ay qaateen mowqifyo adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM