Sagaal Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku qaraqmay xeebaha Tunisia

Image
Muhaajiriintaan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen wadamada saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

TUNIS, Tunisa - Ciidamada Ilaalada Xeebaha waddanka Tunisia ayaa Sabtidii shalay waxa uu soo saaray meydadka sagaal tahriibayaal ah oo ku qaraqmay xeebaha dalkaasi, sidda laga soo xigtey saxaafadda.

Ahayeenka ciidamada, Houssam Eddine al-Jabali, ayaa sheegay in muhaajiriintaasi ay ka yimaadeen wadamada saxaraha ka hooseeya, waxayna doonayeen inay u tahriibaan Talyaaniga.

Al-Jabali oo war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saarey xafiiskiisa ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in afar carruur ah iyo ilmo yar ay kamid yihiin dadka geeriyoodey.

Sida laga soo xigtay afhayeenku, 2,982 muhaajiriin aan caadi ahayn oo ay ku jiraan sagaal Tunisian ah, ayay ciidamada Tunisia xireen tan iyo Khamiistii.

Ilaalada xeebaha Tunisia ayaa sidoo kale soo saaray meydadka todobo tahriibayaal ah oo qaraqmay kadib markii doontii ay la socdeen ay kula dagtay xeebaha koonfur bari ee dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay, madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, ayaa ku baaqay in la joojiyo qulqulka muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka imaanaya dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, taasoo dhalisay dhaleeceyn uga timid guddiga Midowga Afrika.

Muddo sanado ah, wadamada loo yaqaano Maghreb sida Tunisia, Algeria, Libya, Mauritania, iyo Morocco waxay goob joog ka ahaayeen isku dayo ay sameeyeen tahriibayaal - oo u badan kuwa ka yimid Saxaraha ka hooseeya - si ay u gaaraan Yurub, iyagoo rajeynaya nolol wanaagsan.

Halka qaar ka mid ah tahriibayaasha ay ku guulaysteen inay gaaraan halkii ay u socdeen, qaar kalena waxay ku dhintaan inta ay safarka ku jiraan. Dalalka Yurub waxaa lagu dhaliilay in aysan qaadan mas'uuliyad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM