Shaqsi si qaldan loola xiriiray argagixiso oo la fasaxay

Image
Dambi baarayaashu waxay sheegeen in ruuxan uu ka mid ahaa tuhmaneyaal ay Al-Shabaab dhawaan u dirtay Kenya.

NAIROBI, Kenya – Nin 27 jir ah ayaa isku soo dhiibay booliska ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu ka mid yahay todobo argagixiso oo la baadi goobayay kuwaas oo magacyadooda iyo sawiradooda lagu faafiyay baraha bulshada.

Robert Gathongo Ngunjiri ayaa khamiistii isu soo bandhigay booliiska kadib markii sawirkiisa la faafiyay, taasoo muujineysa inuu ka mid yahay dadka ay booliisku raadinayeen.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha booliiska deegaanka Nyeri Paul Kuria ayaa isku dayay inuu iska fogeeyo arrintan isagoo sheegay in xogta Ngunjiri la xiriirinaysa argagixisanimada aysan ka soo bixin xafiiskiisa balse ay ka timid DCI-da.

"Waxa uu helay xogta ah in DCI-da laga raadinayo ka hor inta aanu isku soo dhiibin saldhiga, waanu u ogolaanay in uu gurigiisa aado, ma xirna, waxa kaliya oo la waydiistay in uu saldhiga iska xaadiriyo jimcihii ka hor inta aan la sii dayn," ayuu yiri Kuriya.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in ninkaasi lagu helay fal xatooyo ah sanadkii 2014-kii balse la sii daayay kadib racfaan uu qaatay.

"Dambi baarayaasha ayaa baadigoobaya Abdurahman Hija, oo lagu naaneeso Mnubi, kaas oo ka soo jeeda kowntiga Nyeri. Waxa uu qeyb ka yahay koox dambiilayaal ah oo argagax ku haya dadka degan Nyeri," ayuu yiri Kuria.

Hija ayaa la rumeysan yahay in ay markaas u baxsatay Soomaaliya, kuna biirtay Al-Shabaab, ka hor inta aysan Kenya dib ugu laaban 2016-kii.

Dambi baarayaashu waxay sheegeen in Ngunjiri uu ka mid ahaa siddeed tuhmane oo ay al-Shabaab dhawaan u dirtay Kenya si ay falal argagixisanimo u geystaan.

Eedeysanayaasha kale ee la sheegay inay baxsadka yihiin ayaa kala ah C/qaadir Maxamed C/qaadir oo la sheegay inuu ku lug lahaa qorsheynta Weerarkii Dusit ee 2019 iyo 2010-kii Kampala, Peter Gichungu, Mohamud Abdi, Kassim Musa, Mohamed Ali Hussein, Ahmed Mohamed, iyo Erick. Njoroge.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM