Shaqsi si qaldan loola xiriiray argagixiso oo la fasaxay

Image
Dambi baarayaashu waxay sheegeen in ruuxan uu ka mid ahaa tuhmaneyaal ay Al-Shabaab dhawaan u dirtay Kenya.

NAIROBI, Kenya – Nin 27 jir ah ayaa isku soo dhiibay booliska ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu ka mid yahay todobo argagixiso oo la baadi goobayay kuwaas oo magacyadooda iyo sawiradooda lagu faafiyay baraha bulshada.

Robert Gathongo Ngunjiri ayaa khamiistii isu soo bandhigay booliiska kadib markii sawirkiisa la faafiyay, taasoo muujineysa inuu ka mid yahay dadka ay booliisku raadinayeen.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha booliiska deegaanka Nyeri Paul Kuria ayaa isku dayay inuu iska fogeeyo arrintan isagoo sheegay in xogta Ngunjiri la xiriirinaysa argagixisanimada aysan ka soo bixin xafiiskiisa balse ay ka timid DCI-da.

"Waxa uu helay xogta ah in DCI-da laga raadinayo ka hor inta aanu isku soo dhiibin saldhiga, waanu u ogolaanay in uu gurigiisa aado, ma xirna, waxa kaliya oo la waydiistay in uu saldhiga iska xaadiriyo jimcihii ka hor inta aan la sii dayn," ayuu yiri Kuriya.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in ninkaasi lagu helay fal xatooyo ah sanadkii 2014-kii balse la sii daayay kadib racfaan uu qaatay.

"Dambi baarayaasha ayaa baadigoobaya Abdurahman Hija, oo lagu naaneeso Mnubi, kaas oo ka soo jeeda kowntiga Nyeri. Waxa uu qeyb ka yahay koox dambiilayaal ah oo argagax ku haya dadka degan Nyeri," ayuu yiri Kuria.

Hija ayaa la rumeysan yahay in ay markaas u baxsatay Soomaaliya, kuna biirtay Al-Shabaab, ka hor inta aysan Kenya dib ugu laaban 2016-kii.

Dambi baarayaashu waxay sheegeen in Ngunjiri uu ka mid ahaa siddeed tuhmane oo ay al-Shabaab dhawaan u dirtay Kenya si ay falal argagixisanimo u geystaan.

Eedeysanayaasha kale ee la sheegay inay baxsadka yihiin ayaa kala ah C/qaadir Maxamed C/qaadir oo la sheegay inuu ku lug lahaa qorsheynta Weerarkii Dusit ee 2019 iyo 2010-kii Kampala, Peter Gichungu, Mohamud Abdi, Kassim Musa, Mohamed Ali Hussein, Ahmed Mohamed, iyo Erick. Njoroge.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM