Shaqsiyaad maxkamad loo soo taagay isku daygii dilka Abiy Axmed

Image

ADDIS ABABA - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Itoobiya ayaa Jimcihii ku soo oogay eedeeymo argaggixisanimo shan ruux oo u xiran inay ku lug lahaayeen weerarkii bam-gacmeedka ee ka dhacay dibad-bax uu ka qeybgalayay Ra'iisul-wasaare Abi Axmed bishii June.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootey, tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen qaraxa oo dhacay fagaare ku yaalla bartamaha Addis Ababa 23-kii June halkaasi oo Abiy Axmed kula hadlayay kumanaan taageeriyaashiisa ah.

Dacwadaha loo keenay maxkamad ayaa ku eedeeyay tuhmanayaasha "bar-tilmaameedka Ra'iisul-wasaaraha" iyadoo ujeedadu tahay "ka hortagga maamulkiisa in uu xukumo waddanka", ayuu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ku yiri qoraal uu soo saaray shalay.

Abiy Axmed, oo ah mas'uulkii ugu horeeyay oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, oo Ra'iisul Wasaare ka noqdo Itoobiya taariikhdan casriga ah ayaa tan iyo markii xafiiska uu la wareegay April 2018 ayaa la yimid Istaatiijiyad dib u heshiisiin ah.

Waxa uu Abiy cafis u fidiyay kumanaan maxaabiis ah, isagoo liiska argagaxisada ka saarey Ururo dhowr ah oo mucaarad ku ahaa dowladda kuwaaso uu kamid ah Ururka OLF, oo mudo u dagaalamayay gooni u goosad dhulka dadka Oromada degan yihiin.

Shaqsiyaadka xeer ilaalinta dacawadda kusoo oogtay ayaa waxaa la sheegay inay katirsan yihiin OLF, iyagoo weerarka u fuliyay inay muujiyaan in dhamaan dadka Oromada ah taageersanayn Abiy Axmed.

Oromada, oo ka kooban saddex meelood meel ka mid ah 100-ka milyan ee u dhashay dalka Itoobiya, ayaa muddo dheer ka cawanayay in siyaasad ahaan la xaqiro, islamarkaana gobolladood helin xuquuqdii ay ku lahaayeen Xukuumadda Addis Ababa.

Sannadkii 2015, dibadbax ballaaran ayaa ka qarxay gobolka Oromiya kaasoo shacabka ku dalbanayeen xuquuqda dhulka.

Dibadbaxa ayaa isku bedelay mar dambe mid dowladda looga soo horjeedo, kahor inta uusan Xisbiga haya talada u dooran Abiy Axmed Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM