Soomaaliya: Safaarad "damiinatay" nin lagu tuhunsan yahay dil

Image
Dhinaca kale, Garowe Online ayaan si madax-banaan waxay u xaqiijin karin sheegashadda labada daraf.

QAAHIRA, Masar - Safaarada Soomaaliya ee Masar ayaa damiinatay nin lagu tuhunsan yahay in uu ku lug-leeyahay geerida gabadh Soomaali ah oo meydkeeda laga helay guri ku yaalla caasimada Qaahira, sidda ay sheegeen qoyskeeda.

Booliska Masar ayaa baaritaan ku bilaabay dhimashadda Caasho Abuubakar Ibraahim. Tuhmanaha koowaad ee kiiskan ayaa ah Maxamed Cabaas kaasoo damaanad banaanka ku jooga, sidda laga soo xigtey reerka marxuumada.

Xubno kamid ah qoyska gabadha oo lasoo xiriiray warsidaha Garowe Online ayaa beeniyay wararka ku saabsan in Cabaas si horudhac ah "looga bari-yeelay kiiska" baaritaankana uusan soo gabagaboonin".

"Macluumaadka ku saabsan in uu jiray xiriir hore oo ka dhaxeeyo labadooda waa kuwa ka fog xaqiiqadda," ayay qoyska ku sheegeen qoraal ay u soo direen xafiiska wararka mareegga GO. "Waxaa rabnaa in aan iyadana qodobkaas saxno".

Lama xaqiijin karo in wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka war hayso damaanada ay safaaradda u qaadey Cabaas. Balse, illo dhow waxay xaqiijiyeen in madada sarre ay hubinayaan "jirtaanka damaanada".

Qaar kamid ah ehelka dhibanaha oo tagay Masar kadib markii uu banaanka u soo baxay dhimashadda Caasho ayaa sheegay in ay baareyaasha la wadaagayaan fahfaahinta xogta oo ay kamid tahay "waxa guriga ka dhacay".

"Dariskeeda waxay noo sheegeen in ay daqiiqado maqlayeen qaylo badan. Hase ahaatee, waxyar kadib uu aamusay buuqaas una maleynayeen lamaane (nin iyo xaaskiisa) oo arrimo dhexdooda ah isku haysta," ayay raaciyeen qoyska.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Maxamed Cabaas marka laga reebo asxaabtiisa oo baraha bulshadda ka difaacaysa. Halka dhinaca qaraabada marxuumada ka cabanayaan faragalinta safaarada dalka Soomaaliya ku leeyahay dalka Masar faragalisay arinakaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM