Suudaan: Dad ku geeriyoodey weerar lagu qaadey kolanyo samafal

Image
Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa tibaaxay in ay aaminsan yihiin in falkan uu ahaa "mid ula kac ah".

NAIROBI, Kenya - Labo qof ayaa ku dhintay todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ula kac ah oo lagu qaaday kolonyo gargaar ah oo marayey caasimadda Suudaan ee Khartoum, sida ay sheegtay Laanqeyrta Cas.

Baabuurtan - oo ay hay'addu sheegtay inay "si cad ugu buufsanaayeen astaanta Laanqayrta Cas" - ayaa lagu waday inay daad-gureeyaan in ka badan boqol qof oo rayid ah.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray saddex ka mid ah shaqaalaha samafalka, sida ay sheegtay guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen inay aad uga naxeen dhacdadan.

Dagaalka sokeeye ee Suudaan ee u dhexeeya ciidamada awooda xukunka kula wareegay iyo xoogaga taageerada degdegga ah ayaa hadda galay bishii siddeedaad.

Horaantii Axadii, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD ayaa sheegay in ay hubiyeen ballan qaad labada dhinac ah oo ku aadan in la dhaqan geliyo xabad joojin iyo wada hadalo fool ka fool ah.

IGAD ayaa waxa ay intaas ku dartey in taliyaha ciidanka iyo madaxa RSF ay labaduba ballan qaadeen in la dejiyo nabad. Si kastaba ha ahaatee, balamihii hore waa la jabiyay.

"Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Al-Shajara, oo ku taal galbeedka magaalada, Axadii," sidda ICRC ay sheegtay. Waxay intaas ku dartay in "in ka badan boqol rayid ah oo nugul" lagu waday in laga raro Khartoum lana geeyo Wada Madani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Ugu Yaraan Afar Qof oo Ku Dhintay Dibaydaxyo Ka Dhan Ah Sicir-bararka Shidaalka

Tani waxay ku qasabtay ardayda iyo shaqaalaha inay masaafo dheer u lugeeyaan iskuulada iyo goobaha shaqada.

  • Afrika

    19-05-2026

  • 12:12PM

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM