Suudaan oo ceyrisay 15 diblumaasi kasoo jeeda Imaaraadka Carabta

Image
Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadda u dhaxeysa Khartuum iyo Abu Dhabi.

KHARTUUM, Suudaan - Sudan ayaa15 kamid ah shaqaalaha safaarada Imaaraadka Carabta ku amartay in ay dalkaas uga baxaan 48 saacadood gudahood, sida ay sheegtay wakaalada wararka SUNA.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa u yeertay Siihayaha safiirka Imaaraadka Badria Alshihi waxayna ku wargelisay go’aanka ay dalkeeda kaga cayrisay 15 dublamaasi, sida ay sheegtay SUNA Axaddii.

Ma jirto sabab loo eryo, balse waxay ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Khartoum iyo Abu Dhabi, taasoo salka ku heysa taageerada Imaaraatka Carabta ay u arkaan ciidamada Taageerada degdega ah (RSF).

Bishii la soo dhaafay, Yassir Alatta, oo xubin ka ah Golaha Sare ee Suudaan ee haya talada, ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inay siiso RSF hub iyo saadka.

Alatta oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in hubkaas lasoo marsiiyo dalalka deriska ah, oo ay ku jiraan Uganda, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyo Chad.

Isaga oo ka jawaabaya eedaas, sarkaal ka tirsan Imaaraadka ayaa sheegay in bilowgii dagaalka, Imaaraadku “uu si joogto ah ugu baaqeen in la qaboojiyo colaada, xabbad-joojin, iyo in la bilaabo wadahadal diblomaasiyadeed” Suudaan.

Suudaan waxaa hareeyay dagaallo u dhaxeeya ciidamada, oo uu hoggaaminayo Gen. Abdel Fattah al Burhan, oo ah madaxa golaha sare ee talada haya iyo RSF tan iyo markii la riday Cumar Xasan Al-Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM

Xiisadda Geeska Afrika oo cirka isku shareertay, Midowga Afrika oo war kasoo saaray

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hababka diblomaasiyadeed.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:00AM