Tobanaan lagu dilay weerar lagu qaadey xero barakac

Image
Rabshadaha aaggan oo salka ku haya macdan ayaa waxay dib u soo laabteen sanadkii 2017.

NAIROBI, Kenya - Maleeshiyo ayaa looga shakisan yahay inay weerar ku qaadeen xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayna dileen tobanaan qof.

Weerarkan ayaa habeenimo ka dhacay gobolka Ituri ee DRC, kaas oo la geliyey xaalad go’doomin ah tan iyo bishii Maajo 2021, waana tallaabo aan caadi ahayn oo ay dawladdu u qaadday si ay ula dagaallato kooxaha hubaysan.

Saraakiisha deegaanka ayaa Arbacadii sheegay in maleeshiyada ay dileen ugu yaraan 60 qof xerada barakacayaasha. Rabshadaha aaggan waxay salka ku haayaan macdan.

Charite Banza Bavi, oo ah madaxa kooxda maxaliga ah ee bini'aadantinimo ee degaanka Bahema-Waqooyi, ayaa ku sheegtay dhimashada 63, halka goobjooge uu sidoo kale xaqiijiyay xisaabta.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda, laakiin Budz ayaa ku eedeeyay in dagaalyahannada Iskaashatooyinka Horumarinta ee Kongo, kooxda hubaysan ee loo yaqaan CODECO.

Rabshadaha aaggan ayaa waxay dib u soo laabteen sanadkii 2017 waxaana inta badan eedeynta dusha loo saaraan soo bixitaanka CODECO oo sheeganaya inay difaacaan Lendu.

Weeraro lagu qaaday xeryo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo socday muddo siddeed maalmood ah bilihii November-December waxaa ku dhintay 123 qof, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqada bini'aadanimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM