Toddobaad kadib afgembigii Al-Bashiir, waa sidee Xaaladda Sudan?

Image

Muddo todobaad ah kaddib marki uu millatariga dalka Sudan uu talada awood uga tuuray hogaamiyihi hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashir, ayay dibadbaxayaashu billaabay kacdoonkani wali dalbanayaan, in millatariga uu xakunka ku wareejiyo dowlad rayid ah.

Tan iyo bishii December, dibadbaxayaasha Sudan ayaa waday bannaanbaxyo ay uga soo horjeedeen Al Bashir, kuwaasoo ugu danbeytii soo gaba gabeeyay xakunki soddonka sano ahaa ee uu dalkaasi dhaca bariga Africa ku heystay madaxweyne Al Bashir.

Dhanka kale, waxaa warbaahinta loo soo bandhigay magacyada dadka hogaaminayay bannaanbaxyadi sababay in xakunka laga tuuro AL Bashir.

Ururuka Barfisoorrada Sudan ee loo soo gaabiyo (SPA) ayaa la sheegay in ay billaabeen bannaanbaxyada, waxaana ururkani ku midoobay injinneero, dhaqaatiir iyo macallimiin.

Hogaamiyeyaasha dibadbaxa Sudan ayaa soo bandhigay qorshooyin ay ku dhisayaan Gudi rayid ah oo talada dalkaasi kala wareega ciidamada Militeriga dalkaasi.

Saddexda nin ee hogaamineysa ayaa kala ah Mohamed Yousef Ahmed Mustafa, oo ah madaxa ururka barfisoorrada, kaasoo bare ka ah jaamacadda Khartoum University, Mohamed Naji oo ah dhaqtar caana iyo Ahmed al-Rabia oo xubin ka ah ururka macallimiinta.

Waxaa sidoo kale marki danbe ku biirray xubno ka mid ah jabhadihi ka dagaallamay gobollada Darfur, South Kordofan iyo Blue Nile.

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM