Toogasho ka dhacday Addis Ababa iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

ADDIS ABABA - Ugu yaraan labo Askari oo Booliska dowladda Itoobiya katirsanaa ayaa lagu dilay toogasho ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi, sida ay saraakiisha amniga xaqiijiyeen.

Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya, Zeynu Jemal, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda FBC in falkan lagu dilay labada Askari uu fuliyay Askari kale, oo sida uu sheegeen maandooriyaha "alcohol" soo isticmaaley [Sarkhaansanaa].

Toogashada waxay ka dhacday Xaafadda Bole, waxaana uu Taliyaha intaasi ku daray in la dilay Askariga ka dambeeyay toogashada, mana lasoo sheegin khasaarooyin kale oo ka dhashay tacshiiradda.

Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray wax yar kadib markii uu falkan dhacay, iyadoo markii hore loo maleyeeyay in weerarka uu yahay mid argagaxiso oo lagu beegsaday Booliska Federaalka Itoobiya.

Addis Ababa, oo ah xarunta Midowga Africa ayaa amni ahaan ka duwan meelaha kale ee dalka Itoobiya, oo ay socdaan isku dhacyo u dhaxeeya qowmiyadaha u dhashay wadanka, oo muran dhanka dhulka ah iyo aanooyin isku dila.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM