Ururka ECOWAS oo hakiyey xubinimadda dalka Burkina Faso

Image
Talaabadan ayaa salka ku haysa inqilaabka milatari ee ka dhacay waddankaas.

OUAGADOUGOU, Burkina Faso - Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa shaaca ka dhigay in uu hakiyey xubinimadda waddanka Burkina Faso ka dib ciidamada afgambigii militariga dalkaasi ka dhacay.

Tani ayaa waxay noqoneysaa talaabadii ugu horeysay ee dalkii saddexaad ee xubnaha ka ah ururkaas lagu ciqaabo falka ay sameeyeen ciidamadda milatariga ee waddankaas.

Talaabada dalalka xubnaha ka ah ECOWAS ayaa imaanaysa dhowr maalmood kadib markii askarta gadoodsan ay ku qasbeen in uu iscasilo madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Roch Marc Christian Kabore.

Askartan oo kasoo muuqdey Telefishinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inay ciidankooda la wareegayaan dalkaasi oo ay sheegeen inay go’doomiyeen kooxo hubeysan.

Saraakiisha militariga oo kala diray baarlamaanka iyo xukuumada ayaa tibaaxay in Kabore uu ku guuldareystay inuu joojiyo rabshadaha ay ku dhinteen kumaankunka intii uu xukunka hayay.

Hogaamiyeyaasha dalalka Galbeedka Afrika ayaa Jimcihii iska arkay afgambiga Burkina Faso, waxaana la filayaa in wafdi ay maalmaha soo socda u diraan caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou.

Madaxweynaha Ghana, Nana Addo Dankwa Akufo-Addo, guddoomiyaha ururka ECOWAS, ayaa ku qeexay afgambiga dhowaan ka dhacay Galbeedka Afrika "xadgudub toos ah oo ka dhan ah mabda'ayada dimuqraadiga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM