Ururka Midowga Afrika oo $90 milyan u dalbay howlgalka ATMIS

Image
Haddii aan la helin lacagta ayaa, sidda laga soo xigtey AU-da, waxay saameynaysaa 19,600 oo askari ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ururka Midowga Afrika oo hadal rasmi ah soo saarey ayaa codsaday lacag ku dhow 90 milyan oo dollar oo lagu maalgelinayo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxa arrimaha siyaasadda iyo nabadda ee AU-da, ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay taageero muhiim ah siiyaan ciidamada milateriga Soomaaliya oo dagaal kula jira kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Bankole Cadeooye ayaa ku doodey in haddii aan lacagtan la helin ay 19,600 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika aysan awoodi doonin inay si hufan u shaqeeyaan oo ay gutaan waajibaadkooda si loo yareeyo khatarta argagixisada.

Sida laga soo xigtay UN-ka, ATMIS waxay ka xoraysay argagixisada Al-Shabaab xarumaha dadweynaha, waxay abuurtay "jawi ku habboon habraacyada siyaasadda, waxayna horumar la taaban karo ka samaysay ku wareejinta amniga ee dawladda".

Dalabkan cusub ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loosoo gabagabeyn lahaa joogitaanka ciidamaddan marka la gaaro bisha December, 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM