Ururka Midowga Afrika oo yeeshay hogaan cusub

Image
Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, ayaa xilka kala wareegay dhigiisa DRC ee Felix Tshisekedi.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, ayaa Sabtidii xilka kala wareegaya dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, isaga oo noqonaya Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika ee sanadka 2022-ka.

Sall ayaa si rasmi ah jagada kula wareegay shir madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika oo ka bilowdey magaalada caasimadda ah Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Senegal ayaa waxaa jagadaas ku taageeray Ururka ECOWAS, kaasoo saf ugu jiray inuu soo saaro Guddoomiyaha xiga ee Midowga Afrika. Wuxuu xilkan hayn doonaa 2022-2023.

Qabashada xilkan ayaa Sall waxay ka dhigan tahay markii afaraad oo hoggaamiye Senigaal ah uu maamulo Midowga Afrika ka dib Léopold Sédar Senghor (1980) iyo Abdou Diouf (1985 iyo 1992).

Qabashada xilka guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jiraan caqabado siyaasadeed, colaado iyo rabshado salka ku haya dhaqaale burbur ay ka oogan yihiin gobolka Galbeedka Afrika.

Mid ka mid ah dalalka Senegal dariska la ah ee Mali ayaa waxa uu ku hoos jiraa xukunka milatariga kuwaasoo talada la wareegay bishii May 2021 markii labaad muddo 10 bilood gudahooda ah.

Dalka kale ee ay jaarka yihiin ee Guinea-Bissau ayaa ka badbaaday afgambi horaantii todobaadkan kadib markii ciidamada daacada u ah madaxweyne Umaro Sissoco Embalo ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday iyaga oo watey qoryaha darandooriga u dhaca ayna beegsadeen hoy uu madaxweynaha kula kulmayey wasiiradda xukuumadiisa.

Guinea iyo Burkina Faso ayaa sidoo kale waxaa ka arminaya militari. Madaxweyne Sall ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato xal u helida kacdoonnada siyaasadeed ee Galbeedka Afrika. Sidoo kale, saameynta Covid-19 ayaa ah mushkilad xal u baahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM