Walaac ka dhashay sakiin loogu magacdaray Al-Shabaab

Image

MAPUTO, Mozambique - Taliska booliska waddanka Mozambique ayaa amar wuxuu ku bixiyey in baaritaan lagu sameeyo shirkad soo saartay sakiin isla markaana ugu magacdaray "Al-Shabaab".

War-saxaafadeed kasoo baxay taliyaha guud ee bileyska waddankaas, Bernardino Rafael, ayaa waxaa lagu faray laamaha kala duwan ee ammaanka ay joojiyaan ka ganacsiga wax-soo-saarkan.

Sida ku xusan warka qoraalka ah, ciidamadda ayaa sidoo kale waxaa laga doonayaa in ay dabagal ku sameeyaan asalka goobaha lagu iibiyo iyo magaalooyinka ay sida weyn ugu baahdey.

Shirkada CARTA ayaa lagu waramay in 2020-kii ay soo saartey sakiintan kuna bilowdey gobolka Cabo Delgado, balse ay 2021-kii gaarsiisay  gobolada kale ee kala ah; Maputo City and Manica.

Dhawaqa taliska booliska ayaa wuxuu kusoo aadayaa markii warbaahinta bulshadda ay maalmihii lasoo dhaafay qabsadeen sawirrada sakiinta "taasoo loo arkay in ay dayaacad xoojineysa xagjiriinta".

Al-Shabaab waa magaca loo yaqaano koox maxali ah oo jihaad-aloos ah kana howlgasha Mozambique, balse faraceeda uu yahay Soomaaliya isla markaana weeraro ka fulisa deriskeeda Kenya.

Inkasta oo la sheegay in dadka degaanka Mozambique ay magacaas ula baxeen ururkaas maxaliga ah, haddana dowladda dalkaas ayaan wali ka hadlin wallow ay sheegtay in ay la dagaalameyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM