Walaalaha madaxwaynihii la afgambiyay ee Sudan oo la xiray

Image

KHARTUUM, Sudan – Milatariga Suudaan ayaa ku waramaya in ay xireen laba kamid ah walaalaha madaxwayne Cumar Xasan Al Bashiir.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegaya in tani ay qayb ka tahay ol'olaha xididaha loogu siibayo calaamadaha hogaankii hore.

Mas'uulka ayaa intaasi raaciyay in xubnaha kamida xisbul xaakimkii hore ay ku jiraan gacanta sharciga qaar kalena lagu daba jiro.

Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo xabsi la dhigay Al Bashiir oo xukunka laga afgambiyay todobaadkii hore.

Sidda ay xaqiijiyeen qoyskiisa, xabsiga la dhigay Al Bashiir ayaa ah midka uu isaga ku xiri jiray dadka kasoo horjeeda mudadii uu talada hayey.

Dibad-baxyadda ayaa sii socda iyada oo dadka ay su'aalo ka keeneen xaqiiqo ahaanshiyaha warka ku aadan in la xiray Cumar Al Bashiir.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa baahineysa in dadka ay codsanayaa in milatarigu cadeeyo arrinkaan uuna soo bandhigo muuqaalka Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM