Wasiir hore oo loo xiray in uu xadey kombuyuutarro iyo matooro

Image
Henry Mussa ayaa lagu xukumay lix sano oo xarig ah kadib markii lagu helay "dambiyo musuqmaasuq".

BLANTYRE, Malawi — Maxkamadda sare ee dalka Malawi ayaa lix sano oo xarig ah ku xukuntay wasiirkii hore ee warfaafinta iyo nin ka hoos shaqeeya oo lagu helay in ay xadeen kombuyuutarrada iyo koronto-dhaliyeyaasha loogu talagalay wakaalada wararka ee dowladda.

Ciqaabtan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo isla todobaadkii hore la-taliyihii madaxweynaha iyo afhayeenkii xisbiga talada haya ay xilka uga tageensababo la xiriira musuqmaasuqa ka jira xukuumadda hadda jirta.

Xukunkan ayaa falanqeeyeyaashu waxay sheegeen in uu muujinayo sida ay dawladdu uga go'an tahay in ay la dagaalanto musuqmaasuqa iyo welwelka laga qabo in loo isticmaalo in lagu ciribtiro kooxaha iska soo horjeeda.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Henry Mussa iyo agaasimihiisii Gideon Munthali, ayaa labaduba ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Progressive Party ama DPP.

Xukunka lagu riday ayaa waxa uu yimid in ka badan shan bilood ka dib markii lagu helay eedeymo musuqmaasuq. Dadka dhaleeceeya dowladda xarigooda ku sifeeyay mid siyaasadeysan.

Labada mas'uul ayaa waxay biirayaan dhowr mas’uul oo ka tirsan dowladdii hore ee loo xiray kiisas kala duwan oo musuqmaasuq la xiriira, taasoo ah olole uu maamulka madaxweyne Lazarus Chakwera bilaabay wax yar ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii 2020-ka.

Liiska waxaa ku jira xarigii bishii November ee la soo dhaafay loo geystay madaxweyne ku xigeenka dalka, Saulos Chilima, kaas oo lagu eedeeyay in uu lacag dhan $280,000 iyo alaabo kale ka qaatay ganacsade British ah Zuneth Sattar si uu ugu noqdo qandaraasyada dowladda Malawi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM