Wiilka Yoweri Museveni oo caddeeyay damaciisa madaxtinimada

Image
Muhoozi Kainerugaba ayaa hadalkan ku sheegay qoraal hadda la tirtiray oo Twitter-ka la soo dhigay habeenimadii Arbacada.

KAMPALA, Uganda - Wiilka uu dhalay hoggaamiyaha rug-cadaaga ah ee Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu u tartamo xilka madaxweynanimo ee doorashada 2026-ka, isagoo sheegay in la joogo "waqtigii uu talada qaban lahaa".

Muhoozi Kainerugaba oo inta badan soo saara fariimo muran xoogan ka dhaliya baraha bulshadan ayaa hadalkan ku sheegay qoraal hadda la tirtiray oo Twitter-ka la soo dhigay habeenimadii Arbacada.

Dadka wax indha indheeya ayaa in badan aaminsanaa in Kainerugaba loo diyaarinayo jagada ugu sareysa dalkan iyaga oo cuksanaya qoraaladda uu ku faafiyo ciwaankiisa Twitter-ka.

Inkastoo 48-jirkan uu horay u beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu xilka kala wareego aabbihii, waxa uu si degdeg ah uga dalacay darajooyin badan oo dhanka ciidamadda ah.

Sannadkii 2013, booliisku waxay muddo 10 maalmood ah xireen laba wargeys oo madax banaan iyo laba idaacadood ka dib markii ay daabaceen qoraal sir ah oo uu qoray jeneraal sare oo sheegaya in Museveni uu u diyaarinayey Kainerugaba si uu u beddelo.

Hadalada Kainerugaba ee ku saabsan arrimaha siyaasadda dibadda ee xasaasiga ah ayaa inta badan madax-xanuun diblomaasiyadeed u horseeday Uganda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee uu ku taageerayay jabhadda Tigrayga ee Itoobiya ayaa ka cadhaysiisay Addis Ababa, halka fikradihiisa ku aaddan duullaanka Ruushka ee Ukraine iyo afgambigii Guinea 2021 ay sidoo kale shaki aad u xooggan ku abuurtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM