Xiisad iyo gacan-ka-hadal ka dhashay qorshe uu soo rogay Abiy

Image
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa wali waxa uu ku adkeysanayaan in uu dhaqan-gelin doono siyaasadan cusub.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Laba samafalayaal ah oo u shaqaynayay hay’adda Catholic Relief Services (CRS) ayaa lagu dilay gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya iyadoo ay socdaan rabshado shacab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay hay’adda.

Chuol Tongyik oo 37 jir ahaa maamule dhanka amaanka ah iyo Amare Kindeya oo 43 jir ahaa darawal ayaa lagu toogtay gobolka Axmaarada xili ay dib ugu laabanayeen magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay CRS.

Lama oga xogta dhabta ah ee ku saabsan dhimashadooda. Gelinkii dambe ee Isniintii, agaasimaha isgaarsiinta ee CRS Kim Pozniak ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay magaalada Kobo.

Dad ku sugan magaalada ayaa ku soo waramaya in la maqlayey madaafiic culus. Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP, magaalada waxaa Axadii ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo ciidamada gobolka Axmaarada.

Pozniak oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa uusan kala caddeyn ama ma uusan sheegin in toogashada ay la xiriirto iska horimaadyo ka dhacay halkaasi.

Qalalaasahan ayaa ka dhashay go’aankii dowladda ay ku kala dirtay ciidanka u gaarka ah 11-ka dowlad goboleed ee ka tirsan dowladda federaalka ah ee dalka, isla markaana la isugu daray ciidamada federaalka.

Mudaaharaadyada iyo dagaalada ayaa saameeyay dhowr magaalo marka laga reebo Kobo dhamaadkii isbuucii hore, oo ay ku jiraan Woldiya iyo Sekota, waxayna Isniintii ka sii socdeen meelaha qaar.

In kasta oo ay rabshaduhu dhaceen, haddana Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa waxa uu wacad ku maray in uu ku sii ambaqaadi doono siyaasadda cusub.

Go’aanka ay dowladdu qaadatay ee ah isku dhafka ciidamada gaarka ah ee goboladda ayaa waxaa lagu tilmaamay isku day lagu dhisayo ciidan midnimo qaran iyo “ciidan xooggan oo dhexe” dalka oo ay colaado qowmiyadeed oo soo jireen ah ka jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM