Xisaabiye baarayay kiisas musuqmaasuq culus oo la khaarijiyey

Image
Cloete Murray, oo 50 jir ah, ayaa waxaa lala toogtey wiilkiisa oo ahaa lataliye dhanka sharciga ah.

CAPE TOWN, Koonfur Afrika - Xisaabiye u dhashay dalka Koonfur Afrika oo baarayay kiisas musuqmaasuq oo heerarkooddu sareeyo ayaa la toogtay isaga iyo wiil uu dhalay, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga dalkan.

Cloete Murray, oo 50 jir ah, ayaa waxaa lagu waramay in uu wakiil u ahaa Bosasa, oo ah shirkad ku lug lahayd fadeexado qandaraas dawladeed oo badan.

50-sano jirkan ayaa sidoo kale waxa uu la shaqeynayey isla markaana wakiil sharci u ahaa shirkadaha ku xiran walaalaha Gupta ee hodanka ah, kuwaas oo diiday eedeymaha laaluushka.

Taliska Booliiska oo fahfaahin aad u kooban soo saarey ayaa "arki doona haddii uu jiro xiriir ka dhexeeya dilka Mr Murray iyo baaritaannadan musuqmaasuqa ah".

Mr Murray ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan, xilli uu gaari ku dhex waday magaalada Johannesburg isaga iyo wiil uu dhalay Thomas oo 28 jir ah, oo la taliye dhinaca sharciga ahaa.

Wiilka uu dhalay ayaa goobta ku dhintay halka Mr Murray loo qaaday isbitaalka, kadibna uu u dhintay dhaawacii soo gaaray, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa afhayeen u hadlay booliiska.

Walaalaha Guptas ayaa ka yimid Hindiya una soo guuray Koonfur Afrika 1993 waana mukiileyaasha shirkado badan kuwaas oo qandaraasyo faa'iido leh kula jira waaxyaha dawladda Koonfur Afrika iyo shirkado ay dawladdu leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM