Xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF oo shiray mustqbalka dalkaasi

Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee (EPRDF), ayaa xubnihiisa maanta isagu yimid shirweyniisa 11aad, kaasi oo ka dhacay xaruntiisa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkan ku yaalla geeska Africa.

Shirkan oo labadii sano iyo barkiiba uu xisbigan yeesho waxaa ka soo qeybgalaya boqolaal xubnood oo xisbiga ka tirsan, oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo bishii April, 2018 gudoomiye u noqday.

Abiy Axmed oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay inuu Xisbiga ka fekero isbedelka hogaanka cusub, oo laga filayo inuu kuu hogaamiyo Itoobiya dhabaha guusha la filayo.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Abiy ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay xibiga inuu doorto 2020 hogaamiye soo saaro hogamiyayaal tayo leh, oo dantiisa gaarka ah ka hormariya mida qaranka Itoobiya.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa balan-qaadey in xukuumaddiisa qaban doonto 2020 doorasho xor iyo cadaalad ah, oo ka dhacda Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Africa, marka laga yimaado Nigeria.

Isagoo mudo bilooyin ah jooga xafiiska, Abiy Axmed ayaa sameeyay isbedello ballaaran, iyadoo uu cafis u fidiyay kumanaan maxaabiis ah, waxaana liiska argagaxisada ka saarey saddex urur, si uu u dhiira-geliyo dib u heshiisinta.

Itoobiya waxaa hogaaminayay tan iyo 1991 hal xisbi oo ah midka hadda haya talada ee (EPRDF), oo ah isbahaysi ay ku midoobeen midka Oromada (ODP), midka Amxaaradda (ADP), (SEPDM) iyo midka Tigreeda (TPLF).

Dagaallada u dhaxeeya qowmiyadaha ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan Itoobiya, iyadoo gobollada ay degaan Oromada iyo Amxaaradda ay ka dhaceen rabashado iyo dibadbaxyo Xukuumadda ka dhan ah tan iyo 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM