Zimbabwe: Fadeexad culus oo soo wajahdey qoyska Robert Mugabe

Image
Haddii waanwaanta ay guulaysan weyso, waxaa qasab ah in wiilka Mugabe uu maxkamadda dib ugu laabto.

HARARE, Zimbabwe - Wiil uu dhalay madaxweynihii waqtiga dheer xilka hayay ee Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa lagu xirey magaalada Harare ee caasimadda dalkaasi kadib markii sida la sheegay uu geystey qasaaro hantiyeed.

Inanka Mugabe ayaa kasoo muuqday maxkamad, waxaana la sheegay in loo xirey kadib markii uu burburiyay muraayadaha gaadiid ay dad kale lahaayeen meel xaflad ah, eedeyntaasi oo uu beeniyay.

Garyaqaanka ina Mugabe oo lagu magacaabo Ashiel Mugiya ayaa sheegay in ay socoto waanwaan kala dhaxaysa dhinaca kale ee dacwadda gudbistay, lagana yaabo in xaal mastuur lagu dhameeyo arrinka.

Hantida uu burburiyay ayaa lagu qiyaasya lacag dhan $12 kun oo doolar, sida ay warisay warbaahinta dalkaasi oo soo xigatay taliska ciidamadda booliska.

31-jirkan ayaa waxa Mugabe u dhashay Grace Mugabe oo ahayd xaaskiisii ugu dambeysey ee u dhaxday ka hor inta uusan dhiman madaxweynaha oo dunida si weyn caan uga ahaa.

Haddii waanwaanta ay guulaysan weyso, waxaa qasab ah in wiilka Mugabe uu maxkamadda dib ugu laabto. Mugabe ayaa dhintey 2019-kii labo sano kadib markii uu xilka ka dagay, isaga oo kursiga joogay muddo aad u dheer.

Wuxuu ahaa hogaamiye Afrikaan ah oo haystay taageereyaal aad u badan, balse qeybo ka mid ah caalamka ayaa looga yaqiinay kaligii taliye arxan daran, isaga oo lagu eedeeyay in uu barakiciyey beeralay caddaan ah oo tiro badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM