Abaalmarinta Ballon d’Or 2021: Messi, Ronaldo, Lewandowski oo kamid ah 10-ka Cayaaryahan ee u Sharraxan

Image

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa daaha ka qaaday musharixiinta u sharaxan abaal marinta kubbada cagta aduunka ugu fican ee FIFA 2021 'Ballon d'O'r' ku guulaysta abaal marinta kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa lagu soo bandhigi doonaa xaflad online ah January 17, 2022

Shabakadda FIFA ayaa lagu soo bandhigay liiska toban ciyaaryahan oo ay ku jiraan halyeeyga Barcelona Lionel Messi iyo weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo.

Labada ciyaaryahan ayaa hogaanka u hayey abaal-marinaha FIFA iyo Ballon d’Or tobankii sano ee la soo dhaafay, laakiin sanadkan waxaa si adag loogu loolami doonaa iyadoo weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski uu isna ku jiro liiska.

Inkasta oo sanadkii hore loo diiday Lewandowski abaal marinta Ballon d’Or maadaama aanu abaal marintu ku sii socon sababo la xidhiidha faafitaanka xanuunka dilaaga ah, haddana xiddiga reer Poland ee Lewandowski ayaa sanadkii hore ku guulaystay abaal marinta xidiga ugu fiican Fifa isaga oo mar kale rejaynaya in uu ku guulaysto.

Xiddigaha Chelsea ee Jorgino iyo sidoo kale N’Golo Kante oo labadooduba Blues ku hogaamiyay hanashada horyaalnimada sharafta leh ee horraantii sanadkan ayaa sidoo kale u sharaxan sida ay sheegtay Marca.

Xafladda abaal-marinaha sanadkan ayaa la qaban doonaa 29-ka bisha November maadaama tii sannadkii hore la joojiyay faafitaanka cudurka COVID19.

Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaal marinta sanadka 2019 kadib markii uu abaal marintan ku garaacay xidigaha Liverpool ee Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM