Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Image

Kooxda Al-Nassr ayaa ku dhawaaqday heshiis rasmi ah ay kala saxiixatey xiddiga reer Senegal Sadio Mane fiidnimadii Talaadada, Al-Nassr ayaa soo bandhigtey muuqaal uu Mane ku soo muuqday isaga oo xiran maaliyeadda cusub ee kooxda.

Heshiiskan ayaa ku kacay lacag dhan 30 ilaa 40 milyan oo Yuuro, sida ay wararku sheegayaan.

Mane waa ciyaaryahankii afaraad ee kooxda Sacuudiga soo iibsatey xagaagan, ka dib Siko Fofana oo Faransiis ah, Marcelo Brozovic, iyo Brazilian-ka Alex Telles.

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

Mane ayaa xiliciyaareed adag la soo maray kooxda Bayern Munich, waxa uuna awoodi waayay in uu soo celiyo guulihii waaweynaa ee uu ka gaaray kooxda Liverpool xilli ciyaareedkii hore.

Wararka ayaa sheegay in Mane uu doonayay inuu sii joogo Munich, balse wakiiladiisa ayaa bilaabay dhowaan inay la xaajoodaan kooxaha Sacuudiga, ka dib markii ay ogaadeen in kooxda Jarmalka ah ay dooneyso inay iska iibiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Cabdixafiid Cabdi: Ayeeyo-koriskii guusha u soo hooyay qaranka

Hooyadiisa Faadumo Bana ayaa si qiiro leh uga hadashay wacdaraha wiilkeeda ka dhigay kubada cagta Afrika.

  • Cayaaraha

    17-10-2022

  • 03:43AM