Barcelona oo ku dhawaaqday saxiixa Philippe Coutinho

Image

Laacibkii Liverpool Philippe Coutinho ayaa la shaaciyay inuu ku biiray kooxda Barcelona.

Kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa isla meel dhigay heshiiska xidigaasi uu ugu dhaqaaqay Camp Nou isagoo 145 Milion kaga mid noqday Barcelona.

Coutinho iyo qoyskiisa ayaa ka soo duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada London waxaana ay soo caga dhigteen dalka Spain halkaasi oo xidiga si balaaran loogu soo dhaweeyay.

Laacibka xulka Brazil ayaa shalay galinkii danbe diiday in uu la safro kooxdiisii Liverpool oo u safartay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo taasi lagu micneeyay inay cadeyn u tahay in xidiga uu Barcelona ku biirayo.

Barcelona ayaa saxiixa Coutinho daba joogtay tan iyo xagaagii la soo dhaafay laakiin kooxda ka dhisan gobolka dhaca woqooyi bari Spain ee Catalonia ayaa ugu danbeyntii soo afjaray sheekadii dheereyd ee Coutinho.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxdiisa wax walba ay u sameysay sidii ay ku heysan lahayd Philippe Coutinho, laakiin waxaa uu sheegay in Xidigan uu ku adkeystay Go'aankiisii ahaa u dhaqaaqista Barcelona.

Dhanka kale, kooxda Liverpool ayaa waxaa tijaabada caafimaadka u maraya ciyaariyahanka Algeria u dhashay ee Riyad Mahrez.

Jariirada Liverpool Eccho ayaa daabacday in saacadaha soo aadan lagu dhawaaqi doono saxiixa Mahrez oo badal u noqon doona Coutinho.

Barcelona ayaa shaacisay in saxiixooda cusub ee Philippe Coutinho uu lambarka 7-aad u qaadan doona kooxdiisa isla markaana dhawaan lagu soo bandhigi doono Garoonka Camp Nou ee Barcelona ay ku ciyaarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM