Hordhaca Kulanka Xiisaha Badan ee Manchester United iyo Watford

Image

Kooxaha Manchester United iyo Watford ayaa caawa wada ciyaari doona kulan ciyaareed aad u xiisa badan oo ka tirsan horyaalka England.

Ciyaarta ayaa waxay ka dhici doontaa Garoonka Vicarage Road Stadium oo kooxda Watford ay ku ciyaarto waana kulan ka tirsan  kulamada 14-aad ee  Premier  League.

Manchester Unietd oo fadhida kaalinta labaad ee horyaalka Premier League ayaa caawa safar waxay u gali doonaan Garoonka naadiga Watford Vicarage Road Stadium.

Watford waxay fadhidaa kaalinta 8-aad ee kala sareynta jadwalka Premier League waxaana ay aruursadeen ilaa 21 dhibcood oo ay ka heleen 13 kulan oo horay ay uga ciyaareen horyaalka England.

Wararka labada kooxood

Eric Baily iyo Phil Joens ayaa aad looga tabay Old Trafford kulankii todobaadkan Manchester United guul dirqi ah ka gaartay kooxda Brighton Hove Albion laakiin xidiga ka soo jeeda Ivory Coast ee Baily ayaa la filayaa in uu kulankan ka soo muuqdo.

Zlatan Ibrahimovic ayaa 3 badal ugu yimid kooxdiisa tan iyo markii uu kooxdaasi ku soo laabtay todobaad ka hor waxaana suura gal ah in caawa xidigan uu ku soo bilowdo kooxda koowaad ee Manchester United.

Michel Carrick ayaa la aaminsanyahay in uusan kulankan ka soo muuqan Karin kooxdiisa Manchester United maadaama uu ka soo kabsanayo qaliin lagu guuleystay oo looga sameeyay wadnaha.

Kooxda Watford ayaa guulo muhim ah soo gaartay labadii kulan ee ugu danbeesay horyaalka England iyagoo soo garaacay kooxaha Newcastle United iyo Westham United waxaana ay hesytaan fursad ay uga adkaan karaan Manchester United oo hooygooda caawa soo booqan doonta.

Nathaniel Chalobah, Craig Cathcart iyo Ciyaariyahan Isaac ayaa dhamaantoda caawa ka maqnaan doona kooxda Watford iyagoo dhaawacyo qaba waxaana ay saaranyihiin miiska daaweynta ee kooxda Watford.

Watford ayaa kalsooni buuxda ku qabta in ay xagaagan ka bad-baadi doonaan in ay hoos uga dhacaan horyaalka England waxaaana ay fadhiyaan kaalinta 8-aad ee  kala sareynta jadwalka horyaalka Premier League.

Waxyaabaha lag qoray ka hor kulankan

Kooxda Watford ayaa qasaartay 12 kulan oo kamid ah 13-kii kulan ee ugu danbeeyay oo ay ka hortagaan Manchester United.

Goolhayahii ugu horeeyay oo Watfrod ka tirsanaa oo gool u diida Manchester United kulan caalami ah waxa uu ahaa Tony Coton waxaana uu sidaasi sameeyay September 1986.

Manchester United ayaa qasaartay 2-dii kulan ee ugu danbeeyay horyaalka iyagoo ku ciyaaraya meel ka baxsan Old Trafford waana kulamdii Chelsea iyo Huddersfield Town kooxdaasi oo qasaarta 3 kulan oo xiriir ahna waxaa ugu danbeysay January 1996. 

Shaxda Macquulka ah ee Watford: Gomes, Mariappa, Kabasele, Prodl, Femenia, Hughes, Doucoure, Cleverley, Zeegelaar, Richarlison iyo Gray.

Shaxda macquulka ah ee Manchester United: De Gea; Valencia, Smalling, Lindelof, Young; Matic, Pogba; Martial, Fellaini, Rashford, Ibrahimovic.

Xogta kulanka

Kooxaha: Watford vs Manchester United

Horyaalka: Premier League

Waqtiga: 10:45

Garoonka: Vicarage Road Stadium

Garsoorka: Jon Moss

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM