Kabtanka Man City oo ka qalin jabiyay Jaamacad ku taalla Ingiriiska

Image

Kabtanka kooxda Manchester City Vincent Kompany ayaa ka qalin jabiyay jaamacada Manchester University isagoo ka aflaxay cilmiga maareynta ganacsiga ee loo yaqaano Business Adminstration.

Xidigan heerka caalami ayaa ka guul ka gaaray ciyaarista kubada cagta laakiin waqtiga uu ku bixiyay ciyaarista kubada cagta ayaan qasaarin maadaama uu arday ahaa laakiin Kompany ayaa maanta ka qalin jabiyay jaamacada Manchester University.

Kompany ayaa sheegay in uu ogaa muhiimada ay leedahay waxbarashada hadana uu doortay in uusan lumin hamiga uu ka lahaa kubada cagta isagoo qaatay shahaadada  loo yaqaano Master Degreee.

Kabtanka Manchester City oo la hadlyay website-ka jaamacada uu ka qalin jabiyay ayaa yiri "mar walba waxaan ogaa qiimaha ay leedahay in aad waxbarato hadana kubada waxay ahayd hamigeyga koowaad".

"hooyadey oo hada aan joogin dunida ayaa igula talisay in aan barto cilmiga maareynta ganacsiga waan ku xasuusan doonaa waligey taladaasi aan ka mira dhaliyay".

Daafacan u dhashay Belgium ayaa heer sare ka gaaray kubada cagta isagoo dhaqaalo ka abuuray ciyaarista kubada cagta isagoo sheegay in clmiga uu bartay uu ka caawin dooni in uu ogaado dhaqaalihiisa.

Kubada cagta waxaa aad ugu yar ciyaartooyda ka soo baxa jaamacadaha laakiin Vincent Kompany ayaa ku biiray ciyaartooyda jaamacadaha ka soo baxay ee ku lug leh kubada cagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cristiano Ronaldo oo Heshiis Laba Sano ah la Saxiixday Al-Nassr

Ronaldo ayaa dad badan u arkaan inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubadda cagta abid.

  • Cayaaraha

    27-06-2025

  • 07:06AM

Cristiano Ronaldo: Nolosha Sacuudiga aad baan u jeclaaday, waana dalkaygii labaad

Ronaldo ayaa sidoo kale ka hadlay AlUla, oo ah goob dalxiis oo caan ah oo ku taal Sacuudi Carabiya’ waqooyi-galbeed oo ku taal meel u dhow Khaybar iyo Tayma.

  • Cayaaraha

    15-12-2024

  • 06:22AM