Karim Benzema: Ciyaartanka Faransiiska oo dambi lagu helay

Image
Kiisku wuxuu soo bilowday bishii June 2015. Fadeexadan waxay soo jiidatay indhaha caalamka.

MADRID, Spain - Gooldhaliyaha xulka qaranka France iyo kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa lagu helay danbi ah inuu isku dayay inuu cajal galmo ah ku aflagaadeeyo ciyaaryahan kale oo France ah.

Garsoore ayaa ku xukumay Benzema hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed ah wuxuuna ku amray inuu bixiyo aduun lacageed dhan €75,000 (£ 63,000; $ 84,000).

Benzema ma joogin maxkamadeynta oo ka dhacdey magaaladda Versailles balse waxaa uu u dirsadey wakiilo. Sidoo kale Valbuena, oo u ciyaara kooxda Giriiga ee Olympiakos, ayaa maqnaa.

Benzema, oo 33 jir ah, ayaa ka mid ahaa shan qof oo maxkamad la soo taagay bishii hore, kaddib markii ay isku dayeen inay baad ka qaataan ninka Faransiiska ah ee Mathieu Valbuena.

Fadeexadan oo warbaahinta Faransiiska ay aad u buun-buunisay ayaa ka yaabisay bahda kubbada cagta ee dalka France waxayna labada ciyaartoyba ku waayeen boosaska xulkooda.

Kiisku wuxuu soo bilowday bishii June 2015, markaasoo labada ciyaaryahan ee kubbadda cagta ay ku sugnaayeen xero tababar oo Faransiis ah waxayna si dhaqso ah ugu faaftay aduunka.

Benzema ayaa had iyo jeer beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna ku adkeystay inuu isku dayayay kaliya inuu ka caawiyo Valbuena inuu ka takhaluso muuqaalka wax u dhimaya.

Xidigan ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay kooxda Faransiiska, waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo Real Madrid habeenka Arbacada marka ay la ciyaaraan FC Sheriff Tiraspol tartanka Champions League.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM