Kooxda Chelsea oo kharashaadka socdaalka laga bixinayo

Image
Cunaqabateynta lagu soo rogay mulkiilaha kooxda ayaa sababtay hoos-u-dhac ballaaran.

LONDON- Kooxda ka ciyaarta horyaalka dalka ingiriiska ee Chelsea ayaa wajaheysa dhaqaalo xumo tan iyo markii Boqortooyada Ingiriiska ay cunaqabeynta kusoo rogtay milkiilihii kooxda, Roman Abramovich.

Kai Havertz oo ka mid ah ciyaartoyda kooxda ayaa in uu ka bixinayo kooxda kharashaadka socdaalka ee kulanka FA Cup-ka ay la leeyihiin kooxda Middlesbrough maalinta Sabtida ah.

Cunaqabateynta lagu soo rogay mulkiilaha kooxda ayaa sababtay in qoondada kharashaadka safaradda hoos loo dhigo oo lagu soo koobo lacag gaareysa £20,000 ($26,000) siisocod iyo soosocodba.

Qoondada safaradda oo yar darteed ayay kooxda awoodi waydey in ay bixiso kharashadka duulimaadka, taasi badalkeedana ay door bidayaan in ay qaataan gaari bas ah.

Ciyaaryahanka ayaa lacagtan ka bixinaya jaabkiisa asagoo sheegay in muhiimadu tahay in ay kooxda kulankaas ka baaqan oo ay ciyaarto.

Kai Havertz ayaa sheegay mar uu ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka tartanka kooxaha Yurub ay Chelsea la ciyaareyso kooxda horyaalka dalka Faransiiska ee Lille ayaa yiri, “Dhib malahan, waan bixin doonaa, taasi culays weyn ma ahan.”

Ciyaaryahanka ayaa intaasi ku daray in ay gaari ama diyaarad ku aadaan kulan banaanka lagusoo ciyaarayo ay jiraan xaalado ka adag marka lala barbardhigo kuwa dunida ku sugan tahay iminka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM