​Man United iyo Mourinho oo Wada-hadal u Socdo

Image

Kooxda katirsan horyaalka kubadda cagta  dalka Ingiriiska ee Manchester United, ayaa wada-hadal kula jirta tababarihii hore kooxda Chelsea Jose Mourinho, iyagoo kala xaajoonaya wakiilkiisa. 

53 sano jirka reer Purtugal, ayaa ka tagay kooxda ka dhisan London, bishii December sannadkii hore, waxaana arrintan xoojisay baahida kooxda Manchester u qabto inuu yimaado Old  Trafford.

Majirto, waxa hishiis ah oo arrimaha imaanshihiisa laga gaaray, welina waxa faah faahin ah kama bixin kooxda doonaysa, balse waxaa xaqiiqo ah in wada-hadalku bilowday. 

Ninka 64 sano jirka ah ee reer Holand Van Gaal, ayaa quud-darraynaya inuu ka tago Man United dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxayna arrintani wadada u furaysa Mourinho kaasoo lagu faraxsanyahay inuu yimaado garoonka kooxda lagu naanayso Shayaadiinta cas-cas. 

Tallaabadan ayaa la sheegay inay jawaab u tahay kooxda ay xifaaltamaan ee Man City, taasoo horaantii todobaadkan shaacisay inay doonayso tababarihii hore  Barcelona, hadana layliya Bayer Munich Pep Guardiola. 

Hadii labadan tababare isugu yimaadaan horyaalka dalka Britain, waxay dib usoo celinaysaa xifaaltankoodii Spain xilliyadii uu Mourinho joogay Real intii u dhaxaysay 2010 iyo 2013. 

Van Gaal, ayaa u muuqday todobaadyadii tagay mid ku dhibaataysan horyaalka dalkaas, waxaana cayaaraha isku xig-xiga ee la dhee waqtiga loo yaqaano "Boxing Day" kasoo gaaray dhibaatooyin badan. 

Yaa kale oo diiradda u saaran hogaanka Man United ?

Waxaa kale oo diiradda saaran kaaliyaha Van Gaal, Ryan Giggs, kaaso laga warqabo muhiimadda iyo sumacadda uu ku leeyahay naadiga, waxaana loo saadaalinayaa inuu noqdo badalka layliyaha haatan ee kooxda.

Ninkii u dhashay waddanka Welsh, wuxuu kooxda kusoo biiray isagoo jira 14 sano, wuxuuna dhigtay rikoodh gaaray 963 oo uu kaga soo muuqday kooxda, isagoo  ku guulaystay  13 kamid ah koobabka Premier League.

42 sano jirka ayaa kooxda maamule ka noqday April 2014 xilligaas oo kooxda laga cayriyay David Moyes, wuxuuna kadib kaaliye u noqday tababaraha reer Holand. 

Hadaba, maxaa ka qaldamay Mourinho xilligii Chelsea? 

Mourinho, ayaa tababare kooxda Blues u noqday markii ugu horaysay, 2004 ilaa 2007, wuxuuna la qaaday labo horyaal, isagoo soo laabashadiisa Real la qaaday goobka horyaalka Yurub ee Champion Leage. 

Laakiin mudooyinkii dambe, wuxuu u muuqday mid ku fashilmay hogaaminta kooxda, isagoo shaqo katagistiisa u sababeeyay dhawr arrimood, balse waxaa ugu muhiimsan; 

  • Shaqo ka tagista dhakhtarkii kooxda Eva Carneiro, kadib khilaaf ka dhashay daweyn loo samayn qaabeeyaha khatka dhexe Eden Hazard waqti lagu guda jiray cayaar u dhaxaysay Chelsea iyo Swansea bishi August.

Carneiro, oo kooxda ka tagay 22 September, 2015, ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa khilaafka soo kala dhexgalay tababaraha, maamulka iyo cayaartoyda, taasoo sababtay inuu fursado badan lumiyo, waxaana hadda kooxdu ku jirtaa marxaladda hoose iyado hal dhibic ka saraysa booska loogu laabto heerka labaad. 

Waa sidee xiriirka ninka reer Purtugal kala dhaxeeya Man Utd? 

Mourinho marna ma qarin jacaylka uu u qabo maamulka kooxdaas iyo maamulihii hore ee United Sir Alex Ferguson, wuxuuna xilli uu layliye ka ahaa kooxda reer Talyaani Inter Milan 2009 yiri "Waxaan jeclahay inaan la kulmo kooxda ugu fiican iyo tababaraha ugu fiican Alex Ferguson," xilli lagu guda jiray waregga 16-aad ee horyaalka Yurub.

Dhammaadkii bishii hore waxaa tababaraha reer Portugal, qoray codsi ka kooban li bog, taasoo uu ku sheegayo sida uu muhiim ugu yahay inuu layliyo kooxda Manchester United, balse waxaa taas meesha ka saaray wakiilkiisa. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM