Maxaa Mourinho looga eryay shaqada Manchester United?

Image

Manchester United ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday inay shaqadda ka ceyrisay tababaraheeda Jose Mourinho, kaasi oo taliska Old Trafford joogay muddo siman hal-sano io bar.

Macalinkaan udhashay wadanka Portugal oo shaqadda United loo magacaabay bishii May ee sanadkii 2016-kii ayaa uqaaday kooxda Red Devils tartamadda; FA Cup-ka, oo maxali ah iyo Europa League.

“Kooxda waxay uga mahad-naqeysaa Jose Mourinho shaqadiisa mudadii uu ku sugnaa Manchester United..Waxaan urajaynayaa guul inta ka harsan tahay mustaqbalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay naadiga.

Ma cadda sababta ka dambeysay inuu jagadiisa waayo maamulihii hore ee Real Madrid, balse, waxay kusoo aadeysaa xili Axadii ay kala kulmeen Liverpool guuldaro 3-1, taasi oo Reds ka caawisay inay hogaanka uqabato EPL.

War-saxaafadeedka kasoo baxay kooxda ugu guulaha badan UK ayaa lagu cadeeyay in saacadaha soo socda ay soo magacaabi doonto macalin Dhiig-joojin ah, kaasi oo shaqadda kooxda sii wada inta ka harsan sanadkaan.

“Macalin dhiig-joojin ah ayaa lasoo magacaabi doonaa si uu inta ka harsan sanad ciyaareedka u leeliyo kooxda..xili aan haatan wado nidaamka kala xulashada tababaraha cusub,” ayaa laga soo xigtay qoraalka ay Man United soo saartay.

Manchester United badisay 176 jeer kulamadii ay ka dheeshay Premier League tan iyo markii Mourinho loo magacaabay; kaliya Man City oo 222 ah, Tottenham oo 202 ah, Chelsea oo 200 ah iyo Liverpool oo 196 ah ayaa ka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM