Messi oo kordhiyay mudada uu sii joogayo Barcelona

Image

GO Sports - Ciyaariyahanka u dheela Barcelona Lionel Messi uu heshiis cusub la galay kooxdiisa, xilli ay jireen warar sheegaya inuu naadigan ka tagayo.

Barcelona ayaa baraha ay ku leedahay Internet-ka w ku shaacisay in Messi uu kooxda heshiis cusub u saxiixay heshiiskaasina Messi uu Barcelona ku heyn doono ilaa 2021.

Messi ayaa 4 sano oo heshiis ah la galay kooxdiisa Barcelona taa oo ka dhigan in xidigan mudo uu baaqi ku sii ahaan doono kooxda reer Spain ee Barcelona.

Heshiiskii hore ee xidigan reer Argentina uu kula jiray kooxda Barcelona ayaa idlaan lahaa xili ciyaareedka soo aadan laakiin Barcelona ayaa heshiis cusub ku abaal marisay Lionel Messi oo ah hogaanka weerarka ee kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa war qoraala oo ka soo baxay sidoo kale ku sheegay in Messi uu kordhiyay heshiiskii uu kula joogay kooxda Barcelona oo dhamaad ku sii dhawaanayay.

Barcelona ayaa horay u shaacisay in Messi ay la gashay heshiis aad u fog laakiin xidiga ayaa maanta qalinka dul dhigay heshiis dhan 4 sano ah oo Camp Nou uu ku sii joogi doono ilaa 2021.

Messi ayaa kulankisii ugu horeeyay u saftay Barcelona isagoo 16 jir ah kulan saaxibtinimo oo kooxdiisa ay la ciyaareysay kooxda ka dhisan dalka Portugal ee FC Porto.

Messi ayaa Barcelona wuxuu kula guuleystay 8 horyaal oo Laliga ah 4 koob oo Champions League ah iyo 5 koob oo ah Copa De La Rey.

Messi ayaa Barcelona yimid 200 isagoo kamid ahaa xiligaasi kooxda Newell's Old Boys Messi ayaa  kulankiisii ugu horeeyay ee Barcelona ay ciyaareyso tartan caalami ah ka hor tagay kooxda Espanyol.

Xidigan ayaa Barcelona la soo qaatay waqti aad u qurxoon waxaana uu ilaa 5 jeer ku guuleystay biladda Ballon d'Or mana jirto ciyaariyahan horay sidaasi u sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM