Mo Faarax oo shaaciyey xirfad layaab leh uu bilaabi doono

Image
Shaqadan ayuu ka dhawaajiyey in uu qaban doono marka uu ka fadhiisto ciyaaraha oradka.

LONDON, Britain - Sir Mo Farah ayaa wuxuu qorsheynaya in uu shaqo la yaab leh oo ah in uu telefishinada ka madadaaliyo carruurta qabto kadib marka uu ka fadhiisto cayaaraha fudud ee oradka.

Xidigan dheeraya ayaa kalsooni fiican wuxuu ka muujiyey in uu kasoo dhalaali doono xirfaddaas, isaga oo tibaaxay in uu quudareynyo in uu sii bilaabo marka la gaaro dhamaadka xirfadiisa.

Aabahan afarta caruur leh ayaa u sheegay Daily Star Sunday: "Waxaan rabaa in aan ka mid noqdo bandhigga TV-ga carruurta oo aan ka noqdo soo jeediye. Waan jeclaan lahaa taas sababtoo ah anigu waxaan ahay ilmo weynaadey".

"Waxaan rabaa in aan ka qayb qaato xirfaddaas si aan u caawiyo in carruurtu ay noqdaan kuwo firfircoon," ayuu Mo Faarax ka dhawaajiyey.

Mo, oo 38 jir ah, ayaa muujiyey sidda uu u jeclaan lahaa in djb loogu celiyo caruurnimadda "si aan u saxo qaladaad  adan oo iga dhacay". Wuxuu kaga dhigayaa caruurtiisa inay qooraan taariikh aan dhaxal lahayn.

Wuxuu yiri: "Mar walba waan ka xishoodaa iyaga. Maalin dhaweyd oo aan baabuur watay oo UB40 dhegaysanayay ayaan dariishada ka dejiyay. Carruurtu mid kamif ah wuxuu igu ‘Aabe, maxaad samaynaysaa?’

Ka dib markii aan ku tartamay I'm A Celebrity sanadkii hore, Maxamed Faarax oo asal Soomaali ah ayaa isku dayaya waxyaabo cusub in ka badan sidii hore.

Sir Mo Farah waa mid ka mid ah orodyahanada loogu jecel yahay Britain, balse waxa uu ku dhow yahay inuu daldalo xirfadiiaa. Marka uu sameeyo, wuxuu rabaa inuu sameeyo isbeddel xirfadeed oo la yaab leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM