​Natiijada Cayaarihii xalay Champion League

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa xalay la cayaaray labo kulan oo kamid ah horyaalka kooxaha Yurub ee loo yaqaano Champion Leage wareegiisa 16-ka, waxaana kulamadaasi u dhaxeeyeen afar kooxood oo kasocday waddamada Ingiriiska, Spain, Jarmalka iyo Talyaaniga, iyagoo kusoo dhammaaday natiijooyin kala duwan. 

Cayaarta ugu xiisaha badnayd ayaa ahayd kulankii ka dhacay Emirates ee dhexmaray Arsenal iyo Barcelona, waxaana kulankaasi kusoo dhammaaday 2:0 oo guusha ku raacday kooxda reer Catalan. 

Labada gool ee guusha waxaa dhaliyay laacibka Addunka Lionel Messi oo kabaxay abaartii dhinaca goolasha ee ka caysatay gool ilaaliyaha Petr Chech, iyadoo goolasha mid kamid ah uu ahaa qalad lagu galay weeraryahan reer Argentine. 

Ciyaarta kale ee xalay la dheelay waxay ka dhacday dalka Talyaaniga, waxayna u dhaxaysay kooxaha Bayer Munich iyo Juventus waxaana lagu qabtay garoonka marwada duqada ah ee magaalada Turin waxayna kusoo idlaatay 2-2. 

Kulankan ayaa xamaasad gooni ah watay, waxayna ahayd markii kooxda Juva lagala hormaray labo gool, balse waxay samaysay soo laabasho cajiib ah iyadoo iska soo guday goolashii laga dhaliyay. 

Munich, waxaa hogaanka u dhiibay ciyaaryahan Muller daqiiqadii 43aad ee qeybtii hore, halka goolka labadaa sii raacshay Arjen Robben oo shabaqa taabtay daqiiqaddii 55aad, waxaana goolkaasi ahaa mid cajiib ah maadama xaqasha birta kaga shubay kubadda. 

Balse, arrintaasi waxaa beeniyay Stefano Sturaro oo kooxdiisa ka bad-baadiyay guuldarro kasoo gaarta kooxda uu layloyo Peb Guardiola kadib caawimaad uu ka helay laacibka Álvaro Borja Morata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM