Ricardo Kaka oo ka fariistay ciyaaraha Kubada Cagta

Image

Laacibkii hore ee kooxaha AC Milan, Real Madrid iyo xulka Brazil Kaka, oo 2002 ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in uu isaga fariistay guud ahaan ciyaaraha kubada cagta.

35 jirkaan, oo xirfadiisa ciyaareed kusoo bilowday Brazil isla markaana ka tirsanaa kooxda Sao Paulo ayaa xiligan wuxuu ka tirsanaa kooxda ka ciyaarta horyaalka Mareykanka ee Orlando City

Kaka ayaa ciyaaray kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee kooxda Orlando City bishii October ee la soo dhaafay waxaana xidigan door maamul looga soo bandhigay kooxdiisii hore ee AC Milan.

Kaka oo taariikh qurxon ku leh kubada cagta Waxa uu ka mid yahay sideed ciyaaryahan oo ku guuleystay Champions League , koob aduun iyo abaal marinta Ballon Dior.

Kaka ayaa 2002 xulkiisa Brazil kula guuleystay Koobka Adduunka sidoo kale 2007 ayuu Champions League la qaaday kooxda AC Milan isla sanadkaasi ayuu Kaka Ballon Dior ku guuleystay isagoo jooga kooxda AC Milan.

Xidigan ayaa 6 sano oo qurxoon ku soo qaatay kooxda AC Milan 2003-2009 ayuu xaadir ku ahaa kooxda AC Milan horyaalka Talyaaniga ayuu la qaaday xagaagii 2004 isagoo 2007 kula guuleystay koobka kooxaha aduunka.

Ka dib markii uu Real Madrid ugu biiray lacag dhan 56 Milion bishii June 2009 Kaka ayaa Copa del Rey la qaaday Real Madrid halka sanad kadib kooxdaasi uu u suura galiyay hanashada horyaalka Laliga ee dalka Spain.

Waxaa xidigan soo maray dhaawacyo aad isudaba joogay oo jilbaha ka ragaadiyay 2013 ayuu dib ugu laabtay AC Milan laakiin sanad kadib ayuu ku biiray kooxda Orlando City oo hada uu kaga fariistay ciyaaraha kubada cagta.

Kaka waxa uu midkamid ah yahay xidigaha ku guuleystay Champions League koob aduun iyo Ballon Dior waxaana sidaasi horay u sameeyay xidigaha kala ah Sir Bobby Charlton, Gerd Muller, Franz Beckenbauer, Paolo Rossi, Zinedine Zidane, Rivaldo iyo Ronaldinho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM