Ronaldo oo been abuur ku tilmaamay xafiiltanka Ballon d’Or ee Messi

Image

Cristiano Ronaldo ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray qabanqaabiyaha Ballon d’Or Pascal Ferre, isagoo sheegay in tafatiraha guud ee majaladda France Football uu “been ka sheegay” xifaaltanka uu kala dhaxeeyo Lionel Messi.

Ferre ayaa Jimcihii u sheegay New York Times in hamiga kaliya ee weeraryahanka Manchester United Ronaldo uu yahay inuu ka fariisto abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican adduunka marka loo eego Messi.

“Pascal Ferre been ayuu sheegay, magacayga ayuu isticmaalay si uu naftiisa u xayaysiiyo iyo in uu kor u qaado daabacaadda uu u shaqeeyo” ayuu Ronaldo oo shan jeer abaal-marintan ku guulaystay ku sheegay bartiisa Instagram-ka Isniintii.

France Football si degdeg ah uguma jawaabin codsi email loo soo diray oo ku saabsanaa in wax laga laga hadlo qoraalka Ronaldo.

“Mar walba waxaan u guulaysta nafteyda iyo kooxaha aan matalo, waxaan u guulaysta nafteyda iyo kuwa i jecel, kama badiyo qof kale,” ayuu hadalkiisa raaciyay weeraryahanka Portugal.

"Hamiga ugu weyn ee xirfadeyda waa inaan ka tago magacayga oo ku qoran xaraf dahabi ah taariikhda kubada cagta aduunka."

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM