Tababareyaashii ugu badnaa ee shaqada laga eryo

Image

Tababarayaashii ugu badnaa abid ayaa laga eryay afarta tartan ee ugu waawayn Ingiriiska xili ciyaareedka oo kala bar maraya sida ay sheegeen ururka tababarayaasha ee LMA.
Waxaa la eryay 29 tababare oo laylinayay kooxaha ka dheela afarta tartan ee ugu waawayn Ingiriiska xiliciyaareedkan oo kali ah.

Brendan Rodgers, Tim Sherwood iyo Dick Advocaat ayaa dhamaantood laga eryay horyaalka Ingiriiska ee Premier League, halka toban tababare laga eryay koobka Championshipka.

29 ka la eryay waxay ka mid ahaayeen macallimiinta layliya 92-da koox ee koobabka Ingiriiska ka tartama waxaana shaqooyinka laga kala eryay intii u dhaxaysay 1 June ilaa 31 December ee sanadkii hore 2015 taas oo ka dhigaysa heerkii ugu sareeyay iyada oo xili ciyaareedku heerkan oo kale marayo.

Xili ciyaareedkii dhamaystirnaa ee macallimiintii ugu badanaa la eryay wuxuu ahaa 2001-2002 markaas oo shaqada laga cayriyay 53 macallin.

Tababare Arsen Wenger ayaase Arsenal tababarayay tan iyo sanadkii 1996 isaga oo dhiirigalin u ah macalimiinta Horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Xigasho: BBC

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM