Waaberi oo sanadkii 2aad hanatey tartanka degmooyinka Banaadir [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xulka kubada cagta ee degmada Waaberi ayaa ku guuleystay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir sanadkii labaad oo xiriir ah, kadib markii ay kaga badiyeen kulankii kama dambeysta dhigooda Shibis.

Ciyaartii dhex-marey labadaan degmo oo ka dhacey qalcadda Banaadir habeenimada Isniinta ayaa kusoo idlaadey 1-0 oo ay guusha ku raacdey wiilasha metalayey degmada Waaberi.

Ciyaaryahanka Cismaan oo uqaata lamberka 9aad Waaberi, ayaa dhaliyey goolka, kaasi oo shabaqa ku hubsadey qaybta koowaad, isaga oo dhaafey goolhayaha iyo daafacyadda Shibis qaarkood.

Dadaalo badan oo ay sameeyeen xidiaha Shibis kuma aysan guuleysan inay iska soo barbareeyaan goolka loogala horumarey, taasi oo ugu dambeyntii dhalisey inay ciyaarta kusoo gabagabowdo 1-0.

Madaxwayne Farmaajo, gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Eng Yariisow, masuuliyiin kale oo ka socdey xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed iyo xubno kale ayaa xaadir ku ahaa garoonka.

Guusha ay gaareen Waaberi waxay kaga dhigan tahay inay hanteen koobka sanadkii labaad oo xiriir ah xili ay xusid mudan tahay in fasalkii hore ay ku dubteen kama dambeysta dhigooda degmadda Hodan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay daawashada ciyaarta ayaa hambalyo u diray xulalka Waaberi, isagoo sidoo kale ku bogaadyay degmada kale ciyaar wanaagga ay soo bandhigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM