Xulka Melbourne oo afka ciida u daray wiilasha gobolka Banaadir [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxdii ka socotay wadanka Australia ee Melbourne ayaa waxay ku guuleysatay Koob qurux badan, kadib markii ciyaar ka dhacday Banaadir Stadium ay ciida afka u dareen wiilasha xulka Gobolka Banaadir.

Ciyaartaan oo ahayd mid xamaasad xambaarsanayd waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Thaabit Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab.

Dhacdo ciyaareedkan ayaa waxaa lagu qabtay xalay fiidkii Banaadir Stadium [Ex Koonis], ayaa waxaa usoo daawasho tegay taageerayaal iyo dadweyne aad u badan, kuwaasoo ukala sacabo tumayay labada Kooxood.

Xidigaha labada dhinac ayaa soo bandhigay ciyaar aad u heer sareysay, waxaana ay ku kala baxeen qeybta koowaad bareejo goolal la’aan ah, iyadoo markii dib leys kugu soo laabtay aysan waxba iska bedalin natiijada ciyaartooda.

Inkastoo, wiilashii metalayay Melbourne ay ku gacan-sareeyeen qeybtii labaad ee ciyaarta hadana waxaa lagu qasbay inay bareejo kusoo dhamaatay 90-ka daqiiqo ee loogu tala-galay kulankooda.

Waqti dheeri ah ayaa lagu daray ciyaarta, balse waxba iskama dhalin, waxaana ugu dambeyntii la aaday Rigoore, iyadoona ay ku badisay 4-3, kooxdii ka socotay wadanka Australia ee Melbourne.

Kooxdaan ayaa sanadkii 2016 bishii November booqasho ku tagey maamulka Puntland iyagoo halkaas kula cayaarey 3 kooxood oo ka tirsan kooxaha ka dhisan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Galkacayo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM