Afar caqabado waaweyn oo uu wajahayo maamulka Galmudug

Image
Reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan wixii hore waa la arkayey sida uu Qoorqoor ugu istaago xal u helidda dhibaatooyinkaas.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Galmudug waxay waajahaysaa afar mushkiladood oo waaweyn oo kala ah:

1. Argagixisada Shabaab oo dhinacyo badan ka soo hareereysay, weeraro joogta ahna soo qaadaysa, kuwaasoo aan kala kulmayn maamulka wax cadaadis ah.

2. Ciidamo cabtoy ah oo Qoorqoor Muqdisho ka daabulay oo dhibaato iyo dhaqan xumo ku haya bulshada gaar ahaan magaalooyinka ay ku sugan yihiin ama la geeyo.

3. Ixtiraam darrada iyo ka Qeylo-siinta odoyaasha dhaqanka beelaha Galmudug uu ku hayo Qoorqoor oo si bareer ah u boobaya kuraastooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo kooxda sii dhacaysa ee Villa Somalia, loogana fadhiyey in uu si cadaalad ah ugu  maamulo amaanada uu u hayo, tanoo keeni karta in beeluhu ay aayahooda ka tashadaan.

4. Iyo ugu danbayn hogaan Qayru-mas’uul ah oo u muuqda in loo keensaday boob doorasho kaasoo aan wax dan ah ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinkaas waaweyn.

Galmudug hurdo maalinkii oo dhan ah iyo telefoon habeenkii oo dhan ah, qosol aan laabta jirin iyo xan aan cidna looga tureyn, safar joogto ah iyo ka ganacsiga siyaasadda laguma sii maamuli karo intaas oo ay wehliyaan ciidamada Gorgor.

Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan wixii hore waa la arkayey sida uu Qoorqoor ugu istaago xal u helidda dhibaatooyinkaas, si gaar ah sida uu ula dhaqmo odoyaasha beelaha Galmudug iyo daahfurnaanta doorashooyinka ka dhacaya Dhusmareeb iyo Gaalkacyo.


AFEEF: Aragtidan qormadan waxay ku kooban tahay qoraaga ku saxiixan, kama turjumeyso siyaasadda guud ee warsidaha Garowe Online.

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh: Qalalaase dastuur iyo "inqilaab aamusan"

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 15-ka May u dabaal-dagaya labo sano guurada markii dib loo doortey.

  • Fikradaha

    12-05-2024

  • 02:23PM

Ceyrintii UNOSOM iyo joojinta shaqada UNSOM: "Shalay maanta u ekaa"

Dagaalladii iyo barakicii dhacay 1990 – 1992 waxay dadka iyo dallka u horseedeen gaajo daran oo macluul isu rogtay.

  • Fikradaha

    11-05-2024

  • 06:22AM