DHULKA DANTA GUUD
Marka laga soo tago in dowladdu masuul ka tahay maamulka dhulka danta guud, xaqna u leedahay in ay ku tasarufto iyada oo la xaqiijinaayo dan qaran; waxaan halkan idin kula wadaagayaa dhowr arrimood oo ka dahsoon in badan oo dadka ka mid ah:
1- Dad in laga saaro xarun iyo dhul dowladeed waxey ka soo billaabatay Madaxtooyada qaranka, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Xamar. Dhammaan xarumaha iyo goobaha ay maanta dowladdu ku shaqeyso waxey soo mareen waqti ay deegaan u aheyd ama ay haysteen dad gaar ah duruuf la xariirta burburki guud ee ku yimid dowladdi dhexe 1991. Waxaa taas ka sii muhiimsan in la ogaado in dhulka dowladda oo dhan uu asalkiisa hore ahaa dhul gaar ah oo la qarameeyay dadki lahaana laga qaaday, waxaana la rabaa in ay dadku ogaadaan in dowladdu iska daa dhulkeeda e, dowaddu waxa ay awood sharci u leedahay in ay qofka ka qaaddo dhulkiisa gaarka ah sifo sharci ah kana qarameyso.
2- Dowladdi dhexe ee millitariga aheyd waxay ku dhisneyd aragti hanti wadaag iyo shuuciyad ku saleysan, oo aragti ahaan xoojineysa hantida guud aadna u xakameyneysa hantida gaarka ah, gaar ahaan dhulka caasimadda iyo guud ahaan degmooyinka dalka. Sidaa darteed, waxaa la qarameeyay dhul aad u fara badan oo waqtiga la joogo aysan dowladdu baahi badan u qabin.
3- Isbedelki dabiiciga ahaa ee ku yimid baaxadda caasimadda, cufkeeda deegaan iyo ganacsi iyo baahiyaha nolasha cusub ay la timid, waxaa dabiici ah in ay dowladdu dib u eegis ku sameyso qaab deegaanka xarumaheeda hadba sida markaa dadka iyo deegaanka u nacfi badan. Caasimaddu si ay ula qabsato nolasha casriga ah waxa ay u baahan tahay Mall-al waaweyn iyo goobo laga dukaameysto oo dhul ballaaran u baahan, hoteello muunad leh oo heer sara ah, xaafado iyo estate-yo si hormarsan u qaabeysan, isbitaallo, iskuullo iyo jaamacado aad uga badan intii horay u jirtay, hadaba si adeegyadaas oo dhan loo helo, ganacsiga gaarka ahna loo dhiirigaliyo si ka duwan aragtidi hantiwadaagga iyo xukunki ciidamada dowladda waxaa waajib ku ah in bixiso dhulki adeegyadaas gaarka ah laga fulin lahaa.
4- Xaaladaha amni ee caalamka oo dhan ku cusub, gaar ahaan dalkeena, oo ay argagixisadu ugu horreyso iyaduna waxa ay qasbeysaa dhowr arrin oo ay ka mid tahay in xarumaha dowladdu is aruuriyaan inta laga helaayo awoodda dhaqaale ee lagu xaqiijin karo amniga xarumaha dowladda oo dhan, arrintaan oo dhalisay in xaruma badan oo dowladeed aanan dib loo howlgalin karaanka dowladda oo aan gaarsiisneyn dartiis. Xaaladdaas waxaa ka dhashay in ay abuurmaan deegaanno isku raran ah oo aan la garaneyn waxa gala iyo waxa ka soo baxa, ka dib marki xarumihii iyo dhulalkii dowladdu isku bedeleen abasiibooyin aan amni ahaan la koontarooli karin gabbaadna ay ka dhigteen canaasiir argagixiso ah oo amniga khatar ku ah, meelaha qaarna ay ka dhex abuurmeen kooxo shufto ah oo shaqo ka dhigtay dambiyada abaabulan iyo ka ganacsiga daroogada oo ku dhex dhuumanaya muwaadiniinta danyarta ah ee goobahaas deggan.
Sidaa dareed, dowladda waxaa waajib ku ah in ay dib u nidaamin ku sameyso dhulalka noocaas noqday si ay meesha uga saarto khatarta amni ee ku sugan. Waxaana qof walba u muuqata sida amniga caasimaddu u soo wanaagsanaanayo tan iyo inti la billaabay in deegaannada isku raranka ah la nidaamiyo.
Dhulka danta guud ee dowladdu dadka ka saartay waxa uu isugu jiraa dhowr qeybood oo kala ah:
1. Dhul iyo xarumo ay dowladdu dadki ka saartay si loogu qabto adeeggii dowladeed ee loogu talagalay ama adeeg dowladeed oo kale, dhulkaa
waxaa ka mid ah xarumaha ay dowladdu maanta ku shaqeyso dhammaantood oo waqtiyo la soo maray ku jiray gacan gaar ah, laga soo billaabo madaxtooyada qaranka oo gacanta dowladda ku soo laabaty xilligi AUN madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waana inta ugu badan dhulalka iyo xarumaha ay dowladdu dadka ka saartay.
2. Dhul iyo xarumo ay dawladdu dadki ka saaratay oo ay heshiis kula gashay shirkado iyo adeegbixiyayaal soomaali iyo ajanabi isugu jira, si loo soo nooleeyo adeegyadii xarumahaas lagu qaban jiray oo aysan dowladdu tabar u hayn dadkuna u baahan yahay. Dhulalka iyo xarumaha noocaas ah waxaa u badan goobaha waxbarashada, isbitaallada iyo kuwa la midka ah.
3. Dhulal iyo Xarumo abasiibooyin iyo deegaanno isku raran ah isku beddelay, amnigoodana la sugi waayay, wasaaradihi iyo hay’adi lahaana ay caddeeyeen in ay ka kaaftoomeen oo ay dowladdu ku qasbanaatay in hadii dadka deggan ay diyaar u yihiinna loo cabiro ayna iska bixiyaan khidmad yar marka loo fiiriyo beeca dhulalka caasimadda, ama lagu wareejiyo ganacsato dowladda lacag u celiya dhulalkana loo sharciyeeyo ka dib marka la nashqadeeyo oo abasiibooyinka meesha laga saaro.
Hadaba, Su’aasha macnaha sameyneysa ayaa ah: maxey tahay baahida ay dowladdu u qabto nooca dhulalka ay iibso?
Dadka soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ma oga in dakhliga ay soo xareyso DFS uu yahay oo kaliya $429.4 milyan (filashada dakhliga gudaha ee 2025) halka khaarashaadka uu yahay 1,342.5 bilyan, taa oo macnaheedu yahay in kharashku uu la eg yahay in ka badan seddex laabka dakhliga ay sameyso DFS!
Marka ay sidaa tahay waxaa qof walba oo si sax ah u fekeraaya ku waajib ah in uu is weydiiyo, halka misaaniyadda dowladda laga kabo.
Dakhliga dowladda waxaa lagu kabaa deeqaha aan dibadda ka helno oo intooda badan ah mashaariic qoondeysan oo aan fulinno kaliya
shuruudahooduna ay aad u adag yihiin.
Arrintase taa ka daran ayaa ah in marka laga soo tago mashaariicda na lagu kaalmeeyo, in miisaaniyaddeena lagu maareeyo mushaar iyo kharashaad howl socodsiin oo kaliya.
• Waxaan ku jirnaa dagaal joogta ah oo aan ku baacsaneyno argagixisada wax qoonda ahna aanan ku laheyn miisaaniyadda dowladda, hal wiil oo naga dhaawacmo ayaa mararka qaar 70-100kun oo doolar nooga baxdaa daryeelkiisa caafimaad. Miisaaniyadeena kuma jirto lagac rasaas, hub, gaadiid dagaal iyo sahay ciidan lagu gado, marka waa in qof walba is weydiiyo dagaalka dalka lagu xoreynaayo muxuu ku socdaa? ciidamada macawusleyda ah ee meel walba ka halgamaayo maxaa lagu taageeraa?
• Waxaad la socotaan inaan ku jirno dagaal dublumaasiyadeed oo caalami ah oo lagu difaacaayo midnimada dhuleed iyo badqabka badda iyo barriga soomaaliyeed, ma qiyaasi kartaan dagaalka intaas la eg oo wax qoonda ah aan ku laheyn miisaaniyadda sida loo maareeyo iyo waxa lagu halgamo oo wax lagu kala farsameeyo halka ay ka yimaadaan.
• Waxaad la socotaan in madaxtooyada JFS ay ku jirto halgan qaran oo la isaga caabinaayo faragalinta shisheeyaha uu ku hayo siyaasaddeena arrimaha gudaha iyo dibadda labadaba, cadawgeenu waxa si joogta ah ugu howlan yahay abaabul lagu kala jarjaraayo dalka, lagu kala fogeynaayo umadda, laguna abuuraayo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni, waxaa la rabaa in qofka dalkaan u naxaayo uu is weydiiyo maxaa dagaalkaas la isaga caabiyaa oo wax lagu kala farsameeyaa ama lagu kala sanceeyaa. Sow ma ogidiin in sideeda qeybood ee dakhliga sakada lagu bixiyo oo quraanku sheegay ay ka mid tahay (Mu’allafatu Quluub) oo macnaheedu yahay dad ay dowladdu iska maslaxeyneyso oo muxaafid in ay noqdaan shartoodana laga nabadgalo laga shaqeynayo. Wali miisaaniyadda ma ku aragteen madax lagu magacaabo “Mu’allafatu Quluub” oo quraanku jideeyay. Mise Wold Bank iyo IMF ayaa kula fahmayo kharashaad wax lagu sanceeyo?
• Marka laga soo tago dagaalka aan ku jirno, waxaa garab socdo dhismaha ciidamada iyo hay’adaha amniga. Waxaad maqrqaati ka wada tihiin in aan si joogta ah hub, rasaas, gaadiid ciidan, diyaarado helicopterro ah, diyaarado daroon ah iyo dooman dagaal in aan ciidamadeena ku qalabeynayno marki ugu horreysay burburka ka dib, ma is weydiiseen halka laga maareeyo oo laga debbero.
• Waxaad wada ogtihiin in waddoiyinka caasimadda meel walba oo ka mid ah ay ka taagan tahay kaamirooyin casri ah oo magaalada oo dhan laga daawado amnigana wax wayn ka qabatay si joogta ahna loo dayac tiro, yaa iga tusi kara miisaaniyadda meesha ay uga jirto.
• Magaaladaan laga been abuuranaayo oo la leeyahay dadkeeda ayaa la dulmiyaa waxaa ka howlgalo kumannaan wiil iyo gabdho dharcad ah oo luuq walba habeen iyo maalin u fadhiyo iyagoo hubeysan in ay xaqiijiyaan amniga caasimadda. Yaa ii sheegi karo meesha miisaaniyadda dalka looga daray ciidameyntooda, hubeyntooda, mushaarsiintooda iyo daryeelkooda.
• Shidaal ayaan qodaneynaa, doorasho qof iyo cod ah ayaan ka shaqeyneynaa, garoomo iyo dekedo cusub ayaan dhisaneynaa, ballaarinti ugu weyneyd ayaan ku haynaa baahinta waxbarashada asaasiga ah, macallimiinti ugu faraha badnaa ayaan qaadanay marki ugu horreysay, golihi ammaanka aduunka ayaan xubin ka noqonnay oo aan ergo culus u dirnay lacag adagna ku baxadaa. Waxaa oo dhan iyo in ka badan oo aan soo koobi karin ayaa madaxda qaranka dhabarkooda saaran oo xal ka sugayo.
Soomaaliyey nin weyn siduu wax u ogyahay uma sheego, hadii hannaanka maamulka maaliyaddeena oo si weyn loo saxay, hay’ado caalami ahna nagala shaqeeyaan uu wali wax dhaliil ah leeyahay, ciddi aqoon iyo khibrad u leh ha noo timaado hana nala toosiso diyaar ayaan u nahay.
Aabuhu marka qoysku uu dhaqaalo yar yahay waxbuu kala mijilaa (farsameeyaa), haddaad aragtaan madaxdiina oo wax kala mijileysa ha ku
dambaabina ee u fahma in reerku dhaqaalo yaryahay, oo in xanjo iyo suuf laysku gunto aan laga maarmin.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha qaranka, Mudane Xasan Sh Maxamuud, waa oday soomaaliyeed oo 70 jir ah, ahlu diin ah, dhorsan, siyaasadda aan jabhadnimo iyo dhiig sokooye aanan ku soo galin, khiyaano iyo madax magacawday oo uu ka hoos guurayna aysan jirin, marki labaand lagu sharfay laguna cimaamaday in uu qaranka hoggaamiyo, hadana diyaar uma aha in uu aakhiradiisa iska dhaawaco ee yaan lagu dambaabin, isagu waa qof oo xitaa wixi dambi ka dhaco xanta iyo aflagaadada joogtada ah ee lagu haayo ayaa ka dhaqeyso.
Kuwa ma gudbayaasha ah ee faraqa ku dheggan waxaan leeyahay, maxaad sameyn doontaan marka sanad ka dib shidaalkeenna la suuqgeeyo, oo mallaaygeenna la suuq geeyo, oo garoomo iyo dekedo caalami ah oo lacag adag na soo galiyo aan yeelanno, oo madaxweyne xasan sheekh shabaabkana ka adkaado idinkana doorashada idinkaga adkaado, oo midnimada dalka ee soo carfeysana la xaqiijiyo.
Mahadsanidiin
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS